Alejandro Lorenzo, oo ahaa tababaraha jimicsiga ee Leeds United xilligii Raphinha, ayaa sheegay in xiddiga reer Brazil uu Barcelona ugu biiray riyadiisa oo la xiriirtay halyeeyga Ronaldinho.
Lorenzo ayaa sheegay in Raphinha uu mar walba u sheegay in riyadiisu ahayd inuu u ciyaaro Barcelona, maadaama Ronaldinho uu ahaa ciyaaryahankiisa uu ugu jeclaa, Wuxuu sidoo kale amaanay xirfadda iyo dadaalka Raphinha, isagoo xusay inuu Leeds ka mid ahaa ciyaartoyda ugu shaqada badan, isla markaana uu si weyn uga taxaddari jiray nafaqada, soo kabashada iyo diyaar-garowga jirka.
Lorenzo ayaa intaa ku daray in Raphinha uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka, balse uusan helin qaddarinta uu mudan yahay, isagoo tilmaamay in arrintaasi aysan hoos u dhigin dadaalkiisa.
Raphinha ayaa xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigaya Barcelona, isagoo sidoo kale door cusub ka qaatay weerarka kadib markii booskiisa laga beddelay garabka.

