Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suárez, oo haatan u ciyaara kooxda Inter Miami ee dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kubadda cagta, xusuusihii uu ku lahaa Barcelona iyo isku daygii isaga iyo Lionel Messi ay ku doonayeen inay Neymar uga dhaadhiciyaan inuusan kooxda ka tegin sannadkii 2017.
Suárez ayaa dib u xusuustay bixitaankiisii Barcelona, isagoo qiray inuu ahaa mid aad ugu xanuun badnaa, balse uu maanta aaminsan yahay in laga yaabo inuu ahaa go’aankii ugu habboonaa dhammaan dhinacyada.
“Ugu dambayn dhaawac kasta wuu bogsadaa, waqtiguna wuxuu qofka ka caawiyaa inuu wixii dhacay illoobo oo noloshiisa hore u sii wato. Xilligaas ka tagistii Barcelona waxay ahayd mid murugo iyo xanuun badan, balse marka dib loo eego waxaa laga yaabaa inay ahayd doorashadii ugu fiicnayd dhammaanteen,” ayuu yiri Suárez.
Weeraryahanka reer Uruguay ayaa sidoo kale sheegay inuu weli si dhow ula socdo xaaladda kooxdiisii hore ee Barcelona, isagoo magaalada Miami kala socda kulamada kooxda, mararka qaarna uu ciyaaraha daawado isaga iyo saaxiibkiis Lionel Messi.
Isagoo ka hadlayey saddexleydii weerarka ee isaga, Messi iyo Neymar, Suárez ayaa sheegay in saddexdooda uu ka dhexayn jiray isfaham iyo wada shaqayn heer sare ah, isla markaana aysan jirin cid danaynaysay inay iyadu goolasha oo dhan dhaliso.
“Aniga, Messi iyo Neymar dhexdeenna kama jirin danaysi. Waan is fahmi jirnay, waan is taageeri jirnay, mana ahayn arrin muhiim noo ah qofka goolka dhalinaya. Waxaan wadaagi jirnay laadadka xorta ah iyo rigoorayaasha, waxayna iga caawiyeen inaan ku guuleysto abaalmarinta Kabta Dahabka ah,” ayuu xusay.
Suárez ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday faahfaahin ku saabsan dadaalkii isaga iyo Messi ay sameeyeen xagaagii 2017, markii Neymar uu go’aansaday inuu isaga tago Barcelona kuna biiro Paris Saint-Germain.
Wuxuu sheegay in isaga iyo Messi ay sameeyeen dadaal kasta oo suuragal ah si ay Neymar uga dhaadhiciyaan inuu kooxda sii joogo, balse aysan ku guuleysan isku daygoodii.
Waxa uu intaas ku daray in Messi uu Neymar u ballanqaaday inuu heli karo abaalmarinta Ballon d’Or haddii uu go’aansado inuu Barcelona sii joogo, hase yeeshee Neymar uu ugu dambayn doortay inuu u wareego kooxda Paris Saint-Germain.
Dhanka mustaqbalkiisa, Suárez ayaa xaqiijiyey inuu wadahadallo kula jiro Inter Miami, si uu kooxda ugu sii ciyaaro hal xilli ciyaareed oo kale ama muddo u dhow, isagoo sheegay inuusan weli go’aansan waqtiga uu ka fariisanayo kubadda cagta.
Wuxuu sidoo kale muujiyey rabitaankiisa ah inuu Lionel Messi isku waqti kaga fariisto ciyaaraha, isagoo tilmaamay in uusan hadda kubadda cagta u ciyaarin lacag, balse uu doonayo inuu sii raaxaysto ciyaarta, guulahana sii raadiyo.
Ugu dambayn, Suárez ayaa meesha ka saarin inuu dib ugu laabto Barcelona marka uu soo afjaro xirfaddiisa ciyaareed, isagoo sheegay inuu mustaqbalka xiisaynayo shaqo maamul oo kubadda cagta la xiriirta, halkii uu tababare ka noqon lahaa.
“Waxay u badan tahay inaan Barcelona ku laaban doono marka aan ka fariisto kubadda cagta. Iskuma arko tababare mustaqbalka, waxaana laga yaabaa inaan doorbido shaqo maamul, sida agaasimaha ciyaaraha,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

