Scaloni oo ka hadlay ciyaarta sagootinta Messi

0

Tababaraha xulka Argentina, Lionel Scaloni, ayaa ka hadlay ciyaarta sagootinta Lionel Messi ee xulka qaranka, taas oo Argentina ay Arbacada la ciyaari doonto Benin.

Scaloni ayaa sheegay in kulanku uu noqon doono maalin xusuus iyo dareen badan leh, isagoo tilmaamay in taageerayaasha Messi ay aad u badan yihiin:- “Waxaan qiyaasayaa haddii la heli lahaa shan garoon oo la mid ah Monumental, dhammaantood ay taageerayaal buuxin lahaayeen,” ayuu yiri Scaloni.

Advertisment

Tababaraha Argentina ayaa sidoo kale ammaanay dhaxalka Messi, gaar ahaan dadaalkiisa, isagoo sheegay inuu ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee garoonka yimaada, kana ugu dambeeya baxa.

Scaloni ayaa sheegay in waxa ugu badan ee xulka Argentina ka maqnaan doona ay tahay tamarta iyo saameynta gaarka ah ee Messi uu garoonka ku leeyahay, inkastoo uu xusay in safarka xulka qaranku uu sii socon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here