Rúben Amorim ayaa la filayaa inuu ku adkaysto nidaamka saddex daafac ah marka Manchester United ay la ciyaarayso Leeds kulanka Premier League-ga ee dhammaadka toddobaadkan.
Amorim ayaa u beddelay qaab ciyaareedka 4-2-3-1 kulankii ay Man United 1-0 kaga adkaatay Newcastle maalintii Boxing Day, balse wuxuu dib ugu laabtay qaabkiisii caadiga ahaa kulankii ay 1-1 la galeen Wolves oo ku jirta kaalinta ugu hooseysa horyaalka, habeenkii Salaasada.
Man United waxa ka maqan xiddigaha Bruno Fernandes Mason Mount iyo Kobbie Mainoo sabab la xidhiidha dhaawacyo ay qabaan.
Xiddigaha Amad Diallo iyo Bryan Mbeumo ayaa ka maqan United sabab la xidhiidha ka qayb galkooda tartanka Koobka Africa.
Sidaas darteed waxa la filayaa in uu weerarka ku bilowdo xiddiga Joshua Zirkzee kaas oo lala xidhiidhinayo in uu ka tagyo kooxda suuqa January.
Be the first to comment