Jorge Jesus oo ka hadlay khilaafka Ronaldo: “Ma raalli-gelin doono qofna”

0

Tababaraha xulka Portugal, Jorge Jesus, ayaa mar kale ka hadlay khilaafka dhex maray isaga iyo Cristiano Ronaldo, isagoo sheegay in wadahadal iyo isfaham ay muhiim u yihiin xalinta arrinta.

Jesus ayaa sheegay inuu Ronaldo hore ugu sheegay inuusan doonayn in xiddigu Koobka Adduunka ku soo gabagabeeyo xirfaddiisa isagoo guuldarro iyo ilmo ku macsalaamaynaya, balse uu doonayo inuu ku dhammeysto bandhig wanaagsan.

Advertisment

Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay inuu weli doonayo in Ronaldo uu sii joogo xulka Portugal, balse go’aanka ugu dambeeya uu leeyahay Ronaldo laftiisa.

Jesus wuxuu xusay in Ronaldo uu yahay astaan caalami ah oo qiimo weyn leh, gaar ahaan carruurta, isagoo sheegay in uusan isagu awoodin inuu go’aamiyo haddii Ronaldo uu mustaqbalka kusoo laabanayo xulka iyo in kale.

Dhanka kale, Jesus ayaa si cad u sheegay: “Qofna raalli-gelin masiinayo.” Wuxuu ku adkeystay inuusan arkin sabab uu raalli-gelin uga bixiyo wixii dhacay, isagoo sheegay in khilaafka uu si weyn uga dhashay xaaladdii iyo falcelintii ciyaaryahanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here