Sababihii dhabta ahaa ee khilaafka Cristiano Ronaldo iyo Jorge Jesus oo la shaaciyay

0

Warbixinno cusub ayaa faahfaahin ka bixiyay sababihii dhabta ahaa ee sababay khilaafka u dhexeeya kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo iyo tababaraha Jorge Jesus, xilli xulka Portugal uu isku diyaarinayay kulanka Denmark ee Nations League.

Sida ay qortay Marca, khilaafku ma ahayn oo keliya natiijada go’aankii Ronaldo lagu reebay kursiga keydka kulankii Norway, balse wuxuu ka bilowday isbeddel ku yimid qorshihii hore ee tababaraha, Markii hore, Jorge Jesus ayaa la xiriiray Cristiano Ronaldo, waxaana labada dhinac ay isla meel dhigeen in Ronaldo uu ciyaaro kulanka koowaad ee Wales iyo kulanka labaad ee Norway.

Advertisment

Qorshahaas ayaa markii hore u dhacay sidii loogu heshiiyay. Ronaldo wuxuu kulankii Wales ku bilowday safka hore, wuxuuna ciyaaray 66 daqiiqo, isagoo dhaliyay gool markii dambe la diiday, Laakiin subaxnimadii maalintii ciyaarta Norway, Jorge Jesus ayaa beddelay qorshihiisii,  Tababaraha ayaa Ronaldo u sheegay inuusan kulankaas u baahnayn bilowga, balse uu suuragal yahay inuu ciyaaro qaybta ugu dambeysa ee ciyaarta.

Kulankii Norway ayaa markaas galay xaalad aan caddayn, iyadoo labada kooxood ay isku hayeen natiijada. Ronaldo ayaa bilaabay inuu kululeysto, isagoo filayay inuu ciyaarta soo galo, Hase yeeshee, markii ay ciyaartu maraysay daqiiqaddii 54-aad, Portugal ayaa dhalisay goolka labaad. Jorge Jesus ayaa markaas go’aansaday inuusan Ronaldo ciyaarta gelin.

Ronaldo ayaa ku dhowaad 30 daqiiqo kululeynayay, balse ugu dambeyn lama soo gelin. Arrintaas ayaa ka careysiisay kabtanka Portugal, wuxuuna garoonka uga baxay isagoo aad u xanaaqsan, Xiisadda ayaa sii xoogeysatay maalintii Talaadada, markii xulka Portugal uu tababar ku lahaa Denmark. Ronaldo kama qeybgelin tababarkii kooxda, wuxuuna aaday hoteelka, halkaas oo uu kaligiis jimicsi ku sameeyay qolka jimicsiga.

Marxaladda ugu dambeysay ayaa timid kadib shirkii jaraa’id ee Jorge Jesus. Ronaldo ayaa dhageystay hadalladii tababaraha, balse sida ay sheegtay Marca, kuma qancin sharaxaaddii Jorge Jesus, Taasi waxay keentay in Ronaldo uu qaato go’aan kale, isagoo halkii uu kooxda ula tababaran lahaa ka baxay xerada tababarka.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Ronaldo uu diyaarad gaar ah uga duulay xerada Portugal, isagoo u safray Madrid, halkaas oo la filayay inuu gaaro habeenkii, Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Ronaldo uu qoraal xooggan ku daabacay Instagram-ka, kaas oo loo fasirtay inuu ka hadlayay mustaqbalkiisa xulka Portugal.

Sidaas darteed, khilaafka Ronaldo iyo Jorge Jesus ayaa hadda noqday mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo la sugayo sida ay labada dhinac uga falcelin doonaan dhacdooyinkan iyo waxa uu noqon doono mustaqbalka Ronaldo ee xulka Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here