Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay Villarreal, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay kulan ka tirsanaa wareegga 8-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka 2026/2027, kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.
Kulankan ayaa ahaa mid adag, iyadoo Real Madrid ay dhib badan kala kulantay kooxda Villarreal, waxaana ciyaarta hareeyay gool la xaqiijiyay iyadoo la adeegsanayo VAR iyo kaarka cas ee loo taagay xiddiga reer Brazil ee Vinícius Junior.
Qeybtii hore ee ciyaarta, Kylian Mbappé ayaa helay fursad uu gool ku dhalin karay, balse kubaddiisa ayaa ku dhacday birta goolka, taasoo Real Madrid ka hor istaagtay inay hoggaanka qabato.
Trent Alexander-Arnold ayaa sidoo kale kubbad wanaagsan u dhiibay Mbappé, hase yeeshee goolhayaha Villarreal ayaa si guul leh u badbaadiyay. Dhanka kale, Jude Bellingham ayaa daqiiqaddii 19-aad qaatay kaarka jaallaha ah.
Taageerayaasha Real Madrid ayaa muujiyay sida aysan ugu qanacsanayn bandhigga kooxdooda, iyagoo ciyaartoyda ku ooriyay markii ay u socdeen qolka labiska dhammaadka qeybtii hore.
Qeybtii labaad, Real Madrid ayaa dadaal dheeraad ah sameysay, waxaana daqiiqaddii 63-aad gool u dhaliyay Yan Diomande. Goolka ayaa markii hore loo diiday offside awgiis, balse markii garsooruhu dib u eegay muuqaalka VAR, waxaa la xaqiijiyay inuu sax ahaa.
Daqiiqaddii 70-aad, Vinícius Junior oo beddel ku soo galay ayaa shabaqa soo taabtay, kaddib weerar uu si qurux badan u dhisay Jude Bellingham, kaasoo kubadda dib ugu soo celiyay xiddiga reer Brazil si uu gool ugu dhammeystiro.
Tababare José Mourinho ayaa si farxad leh ula dabaaldegay Vinícius, balse farxaddaasi muddo dheer ma sii waarin. Garsooraha ayaa dib u eegay dhacdo dhex martay Vinícius iyo Saliba, waxaana la ogaaday in ciyaaryahanka reer Brazil uu timaha jiiday xiddiga ka soo horjeeday.
Garsooruhu wuxuu Vinícius si toos ah u siiyay kaarka cas, wuxuuna meesha ka saaray goolkii uu dhaliyay. Arrintaasi waxay Real Madrid ku qasabtay inay ciyaarta ku dhammeystirto 10 ciyaaryahan.
Inkasta oo ay ciyaartoy tiro yar ku hartay, Real Madrid ayaa haddana ku guuleysatay inay ilaaliso natiijada kulanka, iyadoo ugu dambeyn 1-0 ku garaacday Villarreal.
Guushan ayaa Real Madrid gaarsiisay 18 dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta La Liga, iyadoo hal dhibic ka dambeysa Atlético Madrid oo leh 19 dhibcood, halka Barcelona ay hoggaanka ku hayso 24 dhibcood.
Dhanka kale, Villarreal ayaa ku hartay 8 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta tobnaad.

