Kooxda Manchester United ayaa liiskeeda suuqa kala iibsiga Ee bisha Janaayo ku darsatay toddoba ciyaaryahan, iyadoo dooneysa inay sameyso ilaa saddex saxiix oo gaar ah, sida ay sheegayaan wararku.
Red Devils ayaa dhawaan shaqada ka ceyrisay Michael Carrick, kadib markii uu awoodi waayay inuu Manchester United ku hoggaamiyo wax ka badan hal guul tobankii kulan ee uu Premier League tababare ubayaa, taasoo kooxda u dhaadhacsiisay aagga loogu laabto heerka labaad Ee Championshipka.
Mauricio Pochettino isaguna wax badan kama uusan qaban kulankiisii ugu horreeyay ee uu hoggaaminayay kooxda bilowgii toddobaadkan, iyadoo Manchester United 4-0 looga adkaaday kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Liverpool, ciyaartii ka dhacday Gigada Anfield.
Manchester United ayaa dhammaan miisaaniyaddeedii suuqa xagaaga ku bixisay dib-u-dhiska khadkeeda dhexe, iyadoo la soo saxiixatay Youri Tielemans, Andrey Santos iyo Carlos Baleba, balse waxaa jira shaki ku saabsan in qorshahaasi uu guuleysan doono iyo in kale.
Red Devils ayaa haatan dooneysa inay taageerto Pochettino suuqa kala iibsiga jiilaalka, iyadoo Graeme Bailey oo ah wariye si dhow ula socda suuqa kala iibsiga ee TEAMtalk uu shaaca ka qaaday in weeraryahan, daafac bidix iyo daafac dhexe ay weli yihiin saddexda boos ee ugu muhiimsan ee ay kooxdu dooneyso inay xoojiso.
Bailey ayaa xaqiijiyay:
“Waxaa la ii sheegay inay jiraan saddex boos oo muhiim ah oo Manchester United ay mudnaan siinayso, markii aan ilahayaga xogta ka xaqiijiyay boosaskaas, waxay ii sheegeen inay taasi sax tahay.
“Waxa ugu horreeya waa daafac dhexe, waxaana la doorbidayaa mid lugta bidix ku ciyaara, sidoo kale daafac bidix iyo weeraryahan dhexe. Labada boos ee ugu dambeeya waxay dib ugu laabanayaan suuqa xagaaga, maadaama aan ognahay inay isku dayayeen inay labadaas boosba xoojiyaan ilaa maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga.”
“Waxaa la ii sheegay in qorshayaashu isbeddeli karaan iyadoo ku xiran ciyaartoyda kooxda ka tagaya, waxaana aaminsanahay in ikhtiyaar kale uu noqon karo daafac midig iyo laga yaabee xitaa daafac dhexe oo labaad.”
Sida laga fahmay xogta Bailey, Calvin Bassey oo u ciyaara Fulham, Jarrad Branthwaite oo ka tirsan Everton iyo Nathan Collins oo u ciyaara Brentford ayaa ah saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya liiska bartilmaameedyada Manchester United ee booska daafaca dhexe.
Bailey ayaa intaas ku daray:
“Sida aan horay u xaqiijinay, waxay dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay daawadeen Bassey, balse bilihii ugu dambeeyay waxay si dhow ula socdeen Collins iyo Branthwaite.”
“Saddexdoodaba way qiimeeyaan, waxayna og yihiin inay kooxdooda si degdeg ah kor ugu qaadi lahaayeen. Dhammaantood ma aha oo keliya ciyaartoy leh waayo-aragnimo la xaqiijiyay oo Premier League ah, balse sidoo kale waxay leeyihiin tayo aad u sarreysa.”
Man United oo weerarka uga baahan wax dheeraad ah:
Manchester United ayaa sidoo kale dooneysa inay taageero u hesho Benjamin Sesko, kaasoo haatan dhaawac ku maqan, iyadoo Folarin Balogun iyo Ivan Toney ay ku jiraan liiska ciyaartoyda ay xiiseyneyso.
Bailey ayaa shaaca ka qaaday:
“Marka laga hadlayo dhanka weerarka, United weli way qiimeeyaan Benjamin Sesko, taas si sax ah ha loo fahmo, balse waxay si fudud ugu baahan yihiin wax dheeraad ah. Ma haystaan ciyaaryahan kale oo ku filan booskaas, mana meesha ka saari doonaan suurtagalnimada in Joshua Zirkzee uu kooxda ka tago, gaar ahaan haddii ay la soo saxiixdaan Balogun ama Toney.”
Xiddiga Newcastle United ee Lewis Hall ayaa la filayaa inuu aad qaali ugu noqdo isku dayga ay Manchester United ku dooneyso inay ku hesho bisha Janaayo, sidaas darteed kooxda ayaa taa beddelkeeda isha ku haysa Alejandro Balde oo Barcelona u ciyaara iyo Rayan Ait-Nouri oo ka tirsan Manchester City, si ay ugu xoojiyaan booska daafaca bidix.
Bailey ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay:
“Balde iyo Ait-Nouri labaduba waa ciyaartoy heer caalami ah, xaqiiqda ah inay heli karaanna waxay si weyn ugu jirtaa danaha Manchester United. Waxay si ba’an ugu baahan yihiin ciyaaryahan dabool u noqda Luke Shaw, balse arrintaas waan ogayn tan iyo suuqa xagaaga.”

