Xulka Senegal oo dib loogu Celiyey koobkeedii AFCON Ee 2025, Kadib Go’aan Maxkamadeed

0

Xulka Senegal ayaa dib loogu soo celiyay koobkeedii AFCON 2025, kadib go’aan ay gaartay Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS).

Go’aanka maxkamadda ayaa meesha ka saaray go’aan hore oo Senegal looga qaaday horyaalka ay garoonka dhexdiisa ku guuleysteen, intii lagu jiray final-kii fowdada badnaa Ee ay bishii Janaayo la ciyaareen dalka martida loo ahaa Ee Morocco.

Advertisment

Iyadoo ciyaartu ay ahayd 0-0, Senegal ayaa garoonka ka baxday daqiiqadihii lagu daray qeybtii labaad, iyagoo ka cabanayay rikoodhe laga dhigay. Ciyaartii ka dhacday magaalada Rabat ayaa hakad gashay in ka badan 15 daqiiqo, ka hor inta uusan Brahim Diaz oo u ciyaara Morocco lumin rikoodhahaas, kadib markii la badbaadiyay.

Senegal ayaa markii dambe 1-0 ku badisay waqtigii dheeriga ahaa, waxaana goolka guusha u dhaliyay Pape Gueye.

Natiijadaas ayaa la laalay ku dhowaad laba bilood kadib, markii guddiga racfaanka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) uu go’aamiyay in Libaaxyada Teranga ay jebiyeen xeerarka tartanka, kadib markii ay garoonka ka baxeen markii rigooraha la dhigay.

Xiriirka Kubadda Cagta Senegal (FSF) ayaa markii dambe racfaan u gudbiyay Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS), oo ah hay’adda ugu sarreysa dhinaca sharciga ciyaaraha. Guddi ka kooban saddex xubnood ayaa kiiska Senegal si qarsoodi ah ugu dhageystay magaalada Lausanne 8-dii Oktoobar.

Go’aan ay dhammaan xubnaha guddigu isku raaceen, CAS ayaa si dhab ah u taageertay go’aankii garsoore Jean-Jacques Ndala uu ku gaaray inuu ciyaarta dib u bilaabo kadib markii ciyaartoyda Senegal ay garoonka kusoo laabteen, ciyaartana la dhammeystiray.

Natiijadii final-ka ayaa sidii hore ku taagnayd, waxaana Senegal hadda si rasmi ah loogu xaqiijiyay inay yihiin ku guuleystayaasha Koobka Qaramada Afrika Ee AFCON 2025.

War-saxaafadeed ay soo saartay CAS ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay tixgelisay in “go’aanka garsooraha ee ku saabsan inuu ciyaarta dib u bilaabo ama uu joojiyo uu si buuxda ugu jiray awooddiisa gaarka ah.”

“Markii uu garsooruhu foodhiyey si ciyaarta dib loogu bilaabo, wuxuu u arkay in shuruudihii dib loogu bilaabi lahaa ciyaarta ay buuxsameen — labada kooxoodba mar kale garoonka ayay joogeen, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin inay ciyaarta sii wadaan.”

Xiriirka FSF ayaa isla markiiba ka falceliyay go’aanka, isagoo baraha bulshada kusoo bandhigay sawir kooxda oo koobka kor u qaadaysa bishii Janaayo, waxaana sawirka la socday weedha ah: “Mar kale iyo weligeedba, horyaalnimada Afrika.”

“FSF waxay go’aankan ku soo dhaweyneysaa farxad weyn,” ayuu xiriirku markii dambe ku sheegay war-saxaafadeed.

“Go’aankani wuxuu xaqiijinayaa, wax walba ka hor, guusha cadaaladda ciyaaraha, wuxuuna dib u adkeynayaa mabda’ aasaasi ah: natiijada dhabta ah ee ciyaar waxaa lagu go’aamiyaa oo keliya garoonka dhexdiisa, iyadoo la ilaalinayo sharciga ciyaaraha.”

Dhanka kale, xiriirka kubadda cagta Morocco (FRMF) ayaa muujiyay “la yaab” ku aaddan go’aanka, wuxuuna intaas ku daray inuu “isticmaali doono dhammaan waddooyinka sharci Ee u furan si uu uga hortago go’aanka.”

CAF ayaa sheegtay inay ixtiraamayso go’aanka CAS, isla markaana ay “qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo dhaqan geliyo.”

Faahfaahinta buuxda De sababaha go’aanka ayaa CAS soo saari doonta waqti dambe, haddii aysan dhinacyadu codsan in xogtaas la qariyo.

Ka bixitaankii Senegal Ee garoonka intii lagu jiray final-kii ka dhacay Rabat ayaa durba sababay in wax laga beddelo xeerarka kubadda cagta.

“Garsooruhu wuxuu kaarka cas siin karaa ciyaaryahan kasta oo garoonka ka baxa isagoo ka cabanaya go’aan garsoore,” ayay bishii Abriil sheegtay IFAB, oo ah hay’adda dejisa xeerarka kubadda cagta.

“Xeerkan cusub wuxuu sidoo kale khuseyn doonaa masuul kasta oo kooxeed oo ku dhiirrigeliya ciyaartoyda inay garoonka ka baxaan. Koox kasta oo sababta in ciyaar la joojiyo, mabda’ ahaan, waxaa lagu xukumi doonaa guuldarro.”

Morocco iyo Senegal labaduba waxay beddeleen tababarayaashoodii tan iyo final-kii AFCON 2025, waxaana horaantii bishan ay xaqiijisteen boosaskooda tartanka AFCON 2027, iyadoo ay weli harsanaayeen laba wareeg oo isreeb-reebka ah.

Maxaa ka dhacay final-kii AFCON?

Final si adag loogu tartamay oo ay wada ciyaarayeen labada xul ee ugu sarreeya qaaradda ayaa dhaliyay laba dhacdo oo muran badan dhalisay intii lagu jiray daqiiqadihii lagu daray qeybtii labaad, iyadoo garsoore Ndala uu ahaa qofka ugu weyn ee dhexda u galay dhacdooyinka.

Markii ugu horreysay, garsooraha reer Congo ayaa Senegal ka diiday gool ay u muuqatay inay si fudud u dhalin lahayd. Wuxuu foodhiyey qalad uu ku eedeeyay Abdoulaye Seck inuu ku galay daafaca midig ee Morocco, Achraf Hakimi, wax yar ka hor inta uusan Ismaila Sarr kubadda madaxa ku dhalin.

Laad xor ah oo la bixiyay ayaa u muuqday mid aan xoog badneyn, balse garsooraha kaaliyaha ah ee muuqaalka (VAR) ma uusan awoodin inuu farageliyo, sababtoo ah Ndala ayaa qaladka dhigay ka hor inta aysan kubaddu goolka gudbin.

Saddex daqiiqo kadib, dhacdo kale oo muran dhalisay ayaa ka dhacday xerada ganaaxa Senegal, markii El Hadji Malick Diouf uu gadaal ka jiiday ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara Morocco, Diaz, ka hor inta uusan madaxa ku nadiifin kubad koorne ah.

Diaz ayaa si xooggan u dalbaday rikoodhe, ugu dambeyntiina Ndala ayaa go’aamiyay in rikoodhe la bixiyo, kadib markii VAR ay u dirtay inuu dib uga daawado shaashadda ku taalla garoonka dhinaciisa.

Tababaraha Senegal, Pape Thiaw, ayaa ciyaartoydiisa ugu yeeray dhinaca khadka garoonka, waxaana Thiaw markii dambe u dhaqaaqay dhanka tunnel-ka ay ciyaartoydu maraan si ay qolka labiska u galaan, isagoo ka cabanaya go’aanka. Dhowr ciyaaryahan ayaa la socday.

Ugu dambeyntii way soo laabteen, balse in ka badan 15 daqiiqo ayaa ka soo wareegtay markii rikoodhaha la dhigay ilaa waqtigii uu Diaz ku fashilmay inuu dhaliyo. Xiddiga Real Madrid ayaa isku dayay laad Panenka ah, balse si fudud ayuu goolhaye Edouard Mendy u badbaadiyay.

Dhanka kale, gudaha garoonka Prince Moulay Abdellah Stadium waxaa ka dhacay buuq iyo rabshado, iyadoo taageerayaal tiro yar oo Senegal ah ay isku dhaceen shaqaalaha ammaanka.

Ciyaarta ayaa gashay waqtigii dheeriga ahaa, waxaana goolka guusha ee Senegal dhaliyay khadka dhexe Pape Gueye.

Garoonka dibaddiisa, ciyaar kale oo ku saabsan guddiyada anshaxa iyo qareennada ayaa durba bilaaban rabtay.

 

Maxaa dhacay kadib final-ka?

Senegal ayaa u dabaaldegtay ku guuleysiga koobkeedii labaad ee qaaradda, balse xiriirka kubadda cagta Morocco (FRMF) ayaa si degdeg ah racfaan ugu gudbiyay CAF, isagoo ku dooday in kooxda ay la ciyaartay ay jebisay qodobka 82-aad ee xeerarka AFCON, kaasoo ka hadlaya ka bixitaanka tartanka ama diidmada ciyaarta.

Qodobkaas ayaa dhigaya in haddii koox ay “diido inay ciyaarto ama ay garoonka ka baxdo ka hor dhammaadka rasmiga ah ee ciyaarta, iyadoo aan fasax ka haysan garsooraha,” loo aqoonsan doono “kooxdii laga badiyay, waxaana si rasmi ah looga saari doonaa tartanka socda.”

Guddiga anshaxa ee hay’adda maamusha kubadda cagta qaaradda ayaa diiday racfaankii FRMF maalmo kadib final-ka, iyadoo ay ganaaxday isla markaana ay lacago ganaax ah ku ridday dadkii lagu helay inay sameeyeen falal aan waafaqsanayn anshaxa ciyaaraha intii ciyaartu socotay.

Hase yeeshee, bishii Maarso, ku dhowaad laba bilood kadib final-ka, guddiga racfaanka ee CAF ayaa go’aamiyay in Senegal laga adkaaday ciyaarta, waxaana Morocco la siiyay guul 3-0 ah.

Xiriirka FSF ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid “aan cadaalad ahayn, aan hore loo arag, isla markaana aan la aqbali karin,” wuxuuna si degdeg ah kiiska ugu gudbiyay CAS.

Agaasimaha guud ee maxkamadda fadhigeedu yahay Switzerland ayaa sheegay in dacwadda garnaqsiyeed loo qaban doono “sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtagalka ah,” balse in ka badan shan bilood ayaa ka soo wareegtay ilaa dhammaan dhinacyadu isugu yimaadeen Lausanne si ay uga qeyb galaan dhageysi hal maalin socday.

Guddiga CAS waxaa hoggaaminayay Faransiiska Gerald Simon, oo ah aasaasaha xarunta Sports Law Laboratory ee Jaamacadda Burgundy, isla markaana xubin ka ahaa CAS muddo 23 sano ah.

Labada xiriir ee FRMF iyo FSF waxay xaq u lahaayeen inay mid walba magacaabaan garqaade madax-bannaan oo fulinaya shaqo garsoor, kadib marka la xaqiijiyo magacaabistiisa.

FRMF waxay soo magacowday borofisar Talyaani ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah, Luigi Fumagalli, halka FSF ay soo magacowday qareen fadhigiisu yahay Hamburg, isla markaana ah borofisar sharciga ka dhiga Jaamacadda Zurich, Ulrich Haas. Labadaas nin ayaa dhammaystiray guddiga CAS.

In ka badan lix toddobaad kadib dhageysigaas, isla markaana 10 bilood kadib final-kii AFCON 2025, Senegal ayaa mar kale loogu dhawaaqay inay yihiin horyaalka Afrika.

Hase yeeshee, doodda iyo dhaawaca soo gaaray sumcadda kubadda cagta Afrika ayaa u badan inay sii jiri doonaan muddo dheer.

Doodaha iyo mabda’a ah in go’aanka lagu gaaro garoonka dhexdiisa:

Racfaankeeda, FSF waxay ku doodday in go’aankii garsoore Ndala uu ku gaaray inuu ciyaarta dib u bilaabo daqiiqaddii 19-aad ee waqtigii dheeriga ahaa, isla markaana uu oggolaaday in ciyaarta la dhammeystiro iyadoo natiijo ciyaareed la helay, aan dib loo eegi karin, iyadoo la raacayo mabda’a loo yaqaan ‘field of play doctrine’ — kaasoo ah in go’aannada garsooraha ee garoonka dhexdiisa aan dib loo qiimeyn karin.

CAS waxay muddo dheer lahayd hab-dhaqan ay kaga fogaato “dib u eegista go’aannada ay garsoorayaashu ka gaaraan gudaha garoonka marka ay xeerarka ciyaarta adeegsanayaan, haddii aysan jirin caddeyn muujinaysa in xeerarkaas si aan cadaalad ahayn ama niyad xun loo adeegsaday.”

 

Dhanka kale, FRMF waxay ku doodday in go’aanka garsooraha uusan hoos imaanayn mabda’a go’aanka garoonka dhexdiisa, sababtoo ah Senegal waxay ahayd inay la kulanto tallaabooyin anshaxeed kadib markii ay garoonka ka baxday.

Xiriirka Morocco ayaa sidoo kale ku dooday in, sida uu dhigayo xeerka tartanka AFCON, garsooruhu ay ahayd inuu ciyaarta si degdeg ah u soo afjaro.

Waxay intaas ku dareen in Ndala uu “sharciga si khaldan u fasiray,” isla markaana go’aankiisu ahaa mid “aan sabab sharci ah lahayn.”

Hase yeeshee, aragtida guddiga CAS, go’aannada garsooruhu waxay ku koobnaayeen waxa ka dhacay garoonka dhexdiisa, xeerarkii khuseeyay ka bixitaanka garoonkana ma ahayn kuwo lagu dabaqi karo xaaladdan.

“Guddigu wuxuu qiray in garsooruhu uu go’aan ku gaarayay jawi ay ka jirtay xiisad aad u daran,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka CAS.

“Hase yeeshee, duruufahaasi ma sababayaan in go’aanka lagu tilmaamo mid ‘aan sabab sharci ah lahayn’. Taas beddelkeeda, xukunka garsooraha uma muuqan mid ay saameeyeen arrimo ka baxsan ciyaarta.”

Go’aankani ma yahay mid kama dambeys ah?

Inkasta oo CAS ay tahay hay’adda ugu sarreysa dhinaca sharciga ciyaaraha, isla markaana go’aankeeda uu yimid 10 bilood kadib final-ka, haddana waxaa weli dhici karta in arrintan ay yeelato weji kale.

FRMF ayaa cabasho ka gudbisay habraacii loo maray kiiska, ka hor inta aan go’aanka guddiga lagu dhawaaqin Talaadadii.

Waxay ku eedeysay qareenka Jarmalka ah ee Haas, oo ahaa garqaadihii guddiga ku matalayay dhinaca Senegal, inuu Axaddii wicitaan telefoon la yeeshay madaxweynaha FSF, Abdoulaye Fall.

Fall ayaa si “cad oo aan shaki ku jirin” u beeniyay in wicitaan noocaas ah uu dhacay.

FRMF waxay sheegtay in xiriir kasta oo aan la oggolayn oo dhex mara xubin ka tirsan guddiga iyo mid ka mid ah dhinacyada kiiska uu noqonayo jebin weyn oo ka dhan ah xeerarka CAS.

Waxay dalbatay in “cawaaqib sharci oo ku habboon laga qaado fal kasta oo dhaawacaya hufnaanta iyo kalsoonida habraaca garnaqsiyeedka.”

Dhinaca Morocco waxay racfaan ka qaadan karaan go’aanka iyagoo kiiska u gudbinaya Maxkamadda Federaalka ee Switzerland, waxaana maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay awood u leedahay inay buriso go’aanka CAS.

Haddii taasi dhacdo, waxay u badan tahay in kiiska mar kale lagu dhageysto CAS, iyadoo la magacaabayo guddi cusub.

Tusaale hore oo arrintan la mid ah ayaa ah kiiska dabaasha Shiinaha u dhashay ee Sun Yang, kaasoo racfaan uu ka qaatay go’aankii CAS ee lagu saaray ganaax siddeed sano ah oo la xiriiray isticmaalka maandooriyaha mamnuuca ah ay aqbashay Maxkamadda Federaalka ee Switzerland.

Guddi cusub ayaa kiiska Sun Yang ka dhageystay CAS, waxaana ganaaxiisii laga dhigay afar sano iyo saddex bilood.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here