RASMI:- Xulka Faransiiska oo war rasmi ah ka soo saaray dhaawaca Mbappé

0

Xulka Faransiiska ayaa soo saaray war rasmi ah oo ku saabsan dhaawaca Kylian Mbappé, kaas oo soo gaaray intii uu ciyaarayay kulankii ay Faransiisku 1-0 kaga adkaadeen Turkiga ee Nations League.

Mbappé ayaa dhaliyay goolka kaliya ee kulanka, balse dhaawac jilibka ah ayaa soo gaaray kadib markii uu kubadda laaday. Wuxuu isku dayay inuu ciyaarta sii wato, laakiin ugu dambeyn waxaa lagu beddelay daqiiqaddii 59-aad.

Advertisment

Xulka Faransiiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay:- “Kylian Mbappé ayaa dhaawac jilibka ah soo gaaray kadib markii uu dhaliyay goolka guusha ee Turkiga,  Wuxuu qabaa dhaawac ku dhacay seedda, taasoo ka dhigan inuu ka maqnaan doono xerada xulka inta ka harsan fasaxa ciyaaraha caalamiga ah. Waxaan u rajaynaynaa inuu si degdeg ah u soo kabsado.”

Sidaas darteed, Mbappé wuxuu seegi doonaa kulamada Faransiiska ay la ciyaarayaan Belgium iyo Italy ee Nations League, Dhaawacan ayaa sidoo kale walaac ku abuuraya Real Madrid, iyadoo kooxda reer Spain ay sugayso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heerka dhaawaca iyo muddada uu xiddigeedu garoomada ka maqnaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here