Xiddiga Real Madrid iyo xulka Faransiiska, Kylian Mbappé, ayaa wajahaya walaac cusub oo ku saabsan dhaawac jilibka ah kadib markii uu dhaawacmay kulankii Faransiisku 1-0 kaga adkaaday Turkiga ee Nations League, Mbappé ayaa ahaa geesiga kulanka, isagoo dhaliyay goolkii guusha, balse dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu kubadda laaday, waxaana lagu beddelay daqiiqaddii 59-aad.
Tababaraha Faransiiska, Zinedine Zidane, ayaa sheegay in xaaladda Mbappé aysan wanaagsanayn, isla markaana aan la doonayn in khatar lagu geliyo caafimaadkiisa:- “Xaaladdu ma fiicna. Waxaan u malaynayaa inuu ka bixi doono xerada xulka Faransiiska, mana doonayno inaan khatar galno,” ayuu yiri Zidane.
Zidane ayaa sidoo kale sheegay in Mbappé uu jilibka si xad-dhaaf ah u kala bixiyay xilli uu kubadda laaday, Dhanka kale, warbaahinta RMC ayaa sheegtay in Mbappé uu ka tagi doono xerada xulka Faransiiska, taasoo ka dhigan inuu seegi karo saddexda kulan ee soo socda ee Belgium oo laba jeer la ciyaarayo iyo Italy.
Dhaawaca ayaa sidoo kale walaac ku abuuraya Real Madrid, iyadoo kooxda Madrid ay sugayso baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo heerka dhaawaca iyo muddada uu Mbappé maqnaan doono.


