Jamie Redknapp: arsenal ayaa si sahlan ugu guuleysan karta premier league

0

Khabiirka kubadda cagta ee Jamie Redknapp ayaa saadaal xooggan ka bixiyay kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League, isaga oo sheegay in Arsenal ay xilli ciyaareedkan si weyn uga sarreyso kooxaha kale, isla markaana uu filayo inay si raaxo leh ugu guuleysato horyaalka.

Redknapp ayaa aaminsan in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay leedahay awood iyo tayo ka sarreysa dhammaan kooxaha kale ee ku tartamaya Premier League.

Advertisment

Isaga oo ka hadlayay kooxda uu filayo inay hanan doonto horyaalka, ayuu yiri: “Runtii ma arko wax kale oo dhici kara marka laga reebo in ARSENAL ay si weyn ugu guuleysato horyaalka.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waa weli xilli hore, laakiin waxaan u maleynayaa inay aad uga wanaagsan yihiin kooxaha kale dhinac kasta oo ciyaarta ah.”

Hadalkan ayaa muujinaya kalsoonida weyn ee uu Redknapp ku qabo Arsenal, inkasta oo tartanka Premier League uu weli furan yahay, kooxaha waa weynina ay doonayaan inay la tartamaan Gunners.

Arsenal ayaa rajeyneysa inay awooddeeda u beddesho guul rasmi ah oo ay ku hantaan horyaalka, halka taageerayaasheedu ay sugayaan in saadaasha Redknapp ay dhab noqoto.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here