Manchester United oo go’aansatay iney shaqada ka ceyriso Carrick & Wararkii ugu dambeeyey

0

Mustaqbalka Michael Carrick ee kooxda Manchester United ayaa galay xaalad aan la hubin, iyadoo maamulka kooxda ay maanta yeesheen laba kulan oo gudaha ah oo looga hadlayo xaaladda tababaraha iyo mustaqbalkiisa.

Sida uu warinayo wariyaha Jamie Jackson, dib-u-eegista lagu sameynayo shaqada Carrick weli way socotaa, waxaana la sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee maamulka kooxda.

Advertisment

Waxaa la sheegay in shaqada Carrick aysan waligeed sidan oo kale halis ugu jirin, iyadoo maamulka Manchester United ay si dhab ah uga fikirayaan suurtagalnimada inay beddelaan tababaraha.

Dhanka kale, wada-hadallo gudaha ah ayaa sidoo kale ka socda magacyada tababarayaasha macquulka ah ee lagu beddeli karo Carrick, haddii ugu dambeyn la gaaro go’aanka ah in xilka laga qaado.

Go’aanka kama dambaysta ah weli lama gaarin, balse xaaladda tababaraha ayaa noqotay mid si weyn isha loogu hayo, iyadoo taageerayaasha Manchester United ay sugayaan tallaabada xigta ee maamulka kooxda.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here