Xiddiga Barcelona Raphinha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo mid ka mid ah kabtanada kooxda, isagoo qirtay inuusan filayn taageerada weyn ee uu ka helay saaxiibadiis. Wuxuu sheegay in masuuliyadda kabtannimadu ay wax weyn ka beddeshay maskaxdiisa.
Raphinha ayaa sidoo kale amaanay tababare Hansi Flick, isagoo sheegay in xiriirka tababaraha iyo ciyaaryahanku uu muhiim yahay, isla markaana Flick uu maskaxdiisa iyo shaqsiyaddiisa wax ka beddelay.
Dhanka booskiisa cusub ee No.9, Raphinha wuxuu sheegay inuusan waligiis hore uga ciyaarin weeraryahanka dhexe, balse Flick uu arkay awood uu ku ciyaari karo booskaas. Tijaabooyinkii tababarka kadib ayuu booska la qabsaday, wuxuuna sheegay inuu hadda ku dareemayo raaxo.
Raphinha wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu doorbidayo inuu guuleysto xitaa haddii ciyaartu aysan fiicnayn, halkii uu si wanaagsan u ciyaari lahaa balse laga adkaan lahaa, isagoo sheegay in guushu ay keento kalsooni iyo ciyaar wanaagsan.
Ugu dambeyn, Raphinha wuxuu Lamine Yamal ku tilmaamay musharraxa koowaad ee Ballon d’Or, isagoo xusay sixirkiisa, shakhsiyaddiisa, tirakoobyadiisa wanaagsan iyo koobabka uu la qaaday Barcelona iyo Spain.


