Halyeeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa aragtidiisa ka dhiibtay mustaqbalka Bruno Fernandes iyo Lisandro Martínez, isagoo qaba in labada ciyaaryahan ay tahay inay kooxda ka tagaan kaddib hadalladii ay dhawaan ka jeediyeen xaaladda kooxda iyo tababare Michael Carrick.
Scholes ayaa sheegay in hadallada Fernandes ay ahaayeen kuwo aan la aqbali karin, halka uu sidoo kale dhaliilay Martínez, inkastoo uu caddeeyay inuusan khasab ku ahayn inuu ku qaldan yahay wixii uu sheegay.
Dhanka kale, Nicky Butt oo ay wada falanqeeyaan barnaamijka The Good, The Bad & The Football, ayaa isaguna sheegay in labada ciyaaryahan ay tahay inay katagaan , isagoo ku dooday in Manchester United ay u baahan tahay ciyaartoy da’yar oo loo dhisi karo mustaqbalka kooxda, isla markaana diyaar u ah inay si buuxda ugu dagaallamaan.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Manchester United ay go’aansatay inay sii taageerto Michael Carrick, kaasoo kooxda hoggaamin doona ugu yaraan kulanka ay Sabtida la ciyaarayaan Chelsea.
Fernandes ayaa horay uga muujiyay niyad-jabkiisa xeeladaha kooxda kaddib guuldarradii 4-1 ee Como, halka Martínez uu isaguna hadallo ka jeediyay xaaladda kooxda. Labadooduba waxay kursiga keydka ku jireen kulankii ay United 3-0 kaga badisay Bournemouth.
Scholes ayaa ugu dambayn su’aal geliyay in Fernandes mustaqbalka lagu aamini karo kabtannimada koox kale, taasoo sii hurisay doodda ku saabsan hoggaamintiisa iyo mustaqbalkiisa Old Trafford.

