Xiddiga Barcelona iyo xulka Spain, Lamine Yamal, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay guuldarradii ku timid abaalmarinta Ballon d’Or 2026, kaddib markii uu kaalinta saddexaad galay, halka Harry Kane uu ku guuleystay abaalmarinta, Kylian Mbappé-na uu galay kaalinta labaad.
Yamal ayaa qoraal uu soo dhigay Instagram ku sheegay inuu ku kalsoon yahay waddada uu ku socdo, isla markaana uu rumeysan yahay in maalintiisu ay iman doonto. Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray ciyaartoydii ku guuleysatay abaalmarinnada, isagoo sheegay inuu dib diiradda u saarayo sidii uu Barcelona uga caawin lahaa inay dib ugu soo laabato guulaha.
Dhanka kale, Yamal ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kopa Trophy markii saddexaad oo xiriir ah, taasoo la siiyo ciyaaryahanka da’da yar ee ugu wanaagsan adduunka.

