Bruno Miyuu katagayaa Manchester United , Reds oo go’aan deg deg ah qaadaneysa ?

0

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay dhaqaajiso qodobka u oggolaanaya inay hal sano ku kordhiso qandaraaska kabtankeeda Bruno Fernandes, si ay u ilaaliso qiimihiisa suuqa ka hor inta aysan iibin, sida uu sheegay wariye Pete O’Rourke oo ka tirsan Football Insider.

Fernandes ayaa kursiga keydka la dhigay kulankii Bournemouth Axaddii, kaddib markii uu dhaleeceeyay xeeladaha tababare Michael Carrick, markii United ay Champions League-ga 4-1 kaga badisay Como, Carrick ayaa ciqaabay kabtanka 32-jirka ah, kaas oo aan ciyaarta lagu soo darin inkastoo United garoonkeeda looga dhaliyay saddex gool.

Advertisment

Qandaraaska Fernandes wuxuu dhacayaa Juun 2027, balse United waxay haysataa ikhtiyaar ay hal sano ugu kordhin karto. Sida warbixintu sheegeyso, maamulka kooxda ayaa ka fiirsanaya inay adeegsadaan qodobkaas ka hor iib suurtagal ah.

Kooxo ka dhisan Sacuudiga ayaa muddo dheer xiiseynayay xiddiga reer Portugal. Fernandes ayaa diiday dalab £100 milyan ah oo Al-Hilal ka yimid Juun 2025, inkastoo uu ku tilmaamay dalab xiiso leh, Xilli ciyaareedkii hore, wuxuu dhigay rikoodhka Premier League isagoo sameeyay 21 caawin hal xilli ciyaareed gudaheed.

 

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here