
Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Jurrien Timber uu seegi karo kulanka Arsenal ee semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Paris Saint-Germain bartamaha todobaadkan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa la bedelay dhamaadkii ciyaartii ay la ciyaareen PSG iyadoo Ousmane Dembele uu dhaliyay goolka.
Timber laguma darin kooxdii Arsenal ee la ciyaartay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League.
Arteta ayaa xaqiijiyay ka hor ciyaarta in xiddigii hore ee Ajax uu dhaawac ku seegay kulanka.
Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib, Arteta ayaa u sheegay suxufiyiinta inuusan ku kalsoonayn in Timber uu diyaar u noqon karo kulanka PSG.
“Miyaan ku kalsoonahay in uu diyaar u noqdo kulanka PSG?.
Waqtigan xaadirka ah maya sababtoo ah ma uusan awoodin inuu tababar la qaato kooxda waxana noo dhiman dhawr maalin waan eegi doonaa”.
Be the first to comment