Maxaa kasoo kordhay katuurista Man City ee Premier League ga & Wararkii ugu dambeeyey

0

Manchester City ayaa gudbisay racfaan ay kaga hortagayso go’aankii lagu helay inay ku xadgudubtay xeerarka dhaqaale ee Premier League, balse warbixin cusub ayaa sheegaysa in dooddeeda ay wajahday caqabad ka timid shirkaddeeda weyn ee kafaala-qaadda, Etihad Airways.

City waxay ku doodaysaa in ku dhawaad £830 milyan oo lacag dheeraad ah oo lagu bixiyay heshiisyada xayeysiinta ay ka timid dowladda Abu Dhabi, balse Etihad ayaa qoraal ay 2015 u gudbisay hay’adaha Mareykanka ku sheegtay in sheegashada ah in dowladda Abu Dhabi ay bixisay lacagta kafaala-qaadka City ay aanay sax ahayn.

Advertisment

Dhanka kale, Manchester City waxay ku adkeysanaysaa inay haysato “caddeymo aan la dafiri karin” oo ay ku aaminsan tahay in lagu xaqiijin karo mowqifkeeda.

Racfaan ahaan, City waxay sheegtay in go’aankii guddiga Premier League uu leeyahay khaladaad sharci, mabda’ iyo xaqiiqo, isla markaana aanu ahayn go’aan ammaan ah.

Sidoo kale, FA-ga Ingiriiska ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo kiiska, isla markaana uu qaadi karo tallaabo haddii loo baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here