Kooxda Real Madrid, oo uu hoggaaminayo tababare José Mourinho, ayaa si ka horreysa waqtigii loogu talagalay dib ugu heli doonta xiddigeeda reer Turkey Arda Güler, kadib markii uu soo dhammeystay waajibaadkiisii xulka qaranka.
Güler ayaa kamid ahaa ciyaartoyda Real Madrid ee ku maqnaa xulalkooda intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah ee socda, kaasoo la filayo inuu dhammaado Talaadada soo socota, Arda Güler ayaa xalay xulka Turkey kala hortagay Belgium kulan ka tirsanaa wareegga saddexaad ee Nations League, waxaana Turkey looga adkaaday 3-0.
Intii ay ciyaartu socotay, Güler ayaa daqiiqaddii 92-aad qaatay kaar jaalle ah, kadib muran dhex maray isaga iyo ciyaaryahanka Belgium ee Nathan Ngoy, Kaarka jaallaha ah ayaa sababay in Güler uu ganaax ku seego kulanka xiga ee Turkey ay Isniinta la ciyaari doonto Italy, kaasoo kamid ah wareegga afaraad ee heerka group-yada Nations League.
Güler ayaa intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah kasoo muuqday saddex kulan, isagoo la ciyaaray Italy, France iyo Belgium.
Labadii kulan ee ugu dambeeyay ayuu ka qaatay kaarar jaalle ah, taasoo keentay inuu gaaro tiradii ganaaxa u sababeysay inuu seego kulanka Italy.
Sidaas darteed, Güler ayaa hadda si hore ugu laabanaya Real Madrid, taasoo war wanaagsan u ah Mourinho oo ka walaacsan dhaawacyada ciyaartoydiisa xilligan fasaxa xulalka.

