Arsenal ayaa shaacisay qorshe cusub oo lagu horumarinayo garoonkeeda Emirates Stadium, iyadoo kooxda ay go’aansatay in aysan sameynin dib-u-dhis ballaaran oo kordhin lahaa tirada kuraasta, Emirates Stadium, oo la furay sanadkii 2006, ayaa hadda qaada 60,704 taageere. Arsenal ayaa muddo ka badan laba sano baaraysay fursado kala duwan oo lagu casriyeyn karo garoonka, iyadoo xitaa la tixgelinayay qorshe awoodda lagu gaarsiin lahaa ku dhowaad 80,000 kursi.
Si kastaba, qorshahaas weyn ayaa meesha laga saaray, maadaama shaqooyinka ballaaran ay kooxda ku qasbi lahaayeen inay si ku-meel-gaar ah uga guurto Emirates, sida Tottenham oo kale oo muddo ku ciyaartay Wembley intii lagu dhisayay garoonkeeda cusub.
Maamulaha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa lagu sheegay inuusan doonayn in kooxda laga qaado faa’iidada garoonkeeda xilli ay ku jirto marxalad guulo ah. Sidaas darteed, Arsenal waxay dooratay waxa ay ugu yeertay “horumarinta joogtada ah” ee Emirates, halkii laga samayn lahaa mashruuc cusub oo aad u weyn.
Qorshayaasha hadda socda waxaa ka mid ah kordhinta meelaha safe standing, hagaajinta adeegyada martigelinta iyo ganacsiga, iyo horumarinta khibradda taageerayaasha maalmaha ciyaaraha, Arsenal ayaa sidoo kale 2018 ku dartay 780 kursi, halka kordhin kale oo weyn oo kuraasta ah ay caqabado farsamo ku yeelan lahayd sababo la xiriira dhuumaha iyo qaab-dhismeedka garoonka.
Dhanka dhaqaalaha, Arsenal waxay sheegtay inay si weyn u kordhisay dakhliga maalmaha ciyaaraha, kaas oo shantii sano ee lasoo dhaafay ku dhowaad labanlaabmay, isagoo gaaray qiyaastii £154 milyan.

