Liverpool oo qorsheynaya saxiixa xiddig reer Argentina ah, Trent-na dib ayaa loo hadal hayaa

0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheynayso dalab ay ku doonayso Tomas Aranda, 19 jirka khadka dhexe ee Boca Juniors, iyadoo kooxda Anfield ay si dhow ula socoto horumarkiisa. Warbixintu waxay sheegaysaa in Liverpool ay Janaayo isku dayi karto inay heshiiska hore u bilowdo, iyadoo qiimihiisa lagu qiyaasay €9 milyan.

Dhanka kale, Trent Alexander-Arnold ayaa mar kale lala xiriiriyay Liverpool, kaddib markii dhex-dhexaadiyayaal ay xiriir la sameeyeen Liverpool iyo Arsenal si ay uga wada hadlaan xaaladdiisa Real Madrid, Si kastaba, Trent hadda ma qorsheynayo inuu ka tago Real Madrid, waxaana la sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Bernabéu.

Advertisment

Trent ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan weli qayb ka ah qorshaha xulka England, isagoo lagu daray liiska xulka ee Sebtembar iyo Oktoobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here