Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Julian Ward dib loogu magacaabay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, iyadoo 45-jirkan uu xilka kala wareegayo Richard Hughes oo ka tagay booska kadib markii uu go’aansaday inuu ku biiro kooxda Al-Hilal ee Saudi Pro League.
Ward hore ayuu uga soo qabtay Liverpool xilka agaasimaha ciyaaraha, isagoo 2022 booska kala wareegay Michael Edwards. Intii uu xilka hayay, wuxuu door ku lahaa saxiixyo waaweyn oo ay Liverpool sameysay, waxaana ka mid ahaa Darwin Núñez, Cody Gakpo iyo Alexis Mac Allister.
Si kastaba, Ward wuxuu xilkaas hayay muddo hal sano ah oo keliya, isagoo bartamihii xilli ciyaareedkii 2022/23 ku dhawaaqay inuu ka degayo jagada. Sanadkii 2024 ayuu ku biiray Fenway Sports Group, halkaas oo uu ka noqday technical director, laakiin hadda wuxuu mar kale kusoo laabtay Anfield si uu u hoggaamiyo howlaha kubadda cagta ee kooxda.
Ward ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mar kale qabto xilkan, isagoo uga mahadceliyay milkiilayaasha Liverpool kalsoonida ay ku qabaan. Wuxuu sheegay inuu in ka badan toban sano qayb ka ahaa howlaha kubadda cagta ee Liverpool, taasina ay siisay faham iyo khibrad ku saabsan baahiyaha iyo himilooyinka kooxda.

