DEG-DEG: Mustaqbalka Arne Slot Oo Shaki Galay Iyo Liverpool Oo Durba Badalkiisa Qorshaysay.

Xilli ciyaareedka Liverpool ayaa dhinac kale isku rogay iyada ay soo baxayaan warar sheegaya in maamulka kooxdu ka walaacsanyihiin qaab ciyaareedka Iyo waliba natiijada kooxda intii ugu dambaysay.

Inkasta oo shaqada tababaraha reer Netherland amaan tahay haatan ilo gudaha kooxda ah ayaa sheegaya in dulqaadka maamulka Liverpool in uu soo afjarmi doono hadii natiijooyinka kooxdu is badalin.

Wararka ka imanaya gudaha kooxda ayaa tilmaamaya in hoggaanka sare ee Liverpool uu si dhow ula socdo xaaladda, iyagoo filanaya in kooxdu muujiso horumar muuqda toddobaadyada soo socda. Haddii ay sii socoto hoos u dhaca qaab ciyaarta iyo natiijooyinka, waxaa la rumeysan yahay in la bilaabi karo qorshayaal beddel ah si loo qiimeeyo mustaqbalka Slot.

Waxa la sheegayaa in uu tababare Jurgen Klopp si lama filaan ah ugu soo laaban karo kooxda Liverpool.

Ilo ku dhow maamulka kooxda ayaa sheegaya in doodo horudhac ah ay horay uga dhacday guddiga maamulka Liverpool, taasoo ku saabsan qorshayaal beddelka (contingency plans) haddii Arne Slot uusan kooxda ka dhigi karin mid horumar sameysa ka hor suuqa kala iibsiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga