Halyeeygii Hore Ee kooxda Man United Ahshley Young ayaa Manchester United kula taliyay inay lacag ka sameeyaan iibka Bruno Fernandes, iyadoo la is weydiinayo ujeeddooyinka dhabta ah Ee xiddiga reer Portugal. Isagoo kooxda Red Devils kula taliye in xiddiga Reer Portugal ugu muhiim san yihiin guusha kooxda..
Bruno Fernandes ayaa laba gool ka dhaliyay Sporting Lisbo ciyaartii Champions League Ee Xalay, balse Manchester United ayaa ku qasbanaatay inay barbaro 2-2 ah gasho, kaddib laba qalad oo aad u xun oo uu sameeyay goolhayaha Senne Lammens.
Red Devils ayaa xilligan u muuqata koox nasiibku ka soo horjeedo, waxaana ciyaartii Sporting Lisbon ay garsooraha iyo VAR la tilmaamay inay ka galeen cadaalad-darro, iyadoo go’aannadii garsoorku ay ahaayeen kuwo si dhab ah u fool xun.
Bruno Fernandes ayaa hakiyay wada-hadalladii qandaraaska cusub Ee Manchester United, isagoo mudnaanta siinaya inuu dib ugu soo laabto qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isagoo hoos imanaya tababaraha cusub Mauricio Pochettino.
Haddii khadka dhexe ee weerarka uu ku soo dhowaado heerkii cajiibka ahaa ee uu gaaray xilli ciyaareedkii hore, waxay taasi si weyn u caawin lahayd United, maadaama ay isku dayayaan inay badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda ilaa hadda aadka u liitay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii kordhaya wararka sheegaya in kabtanka kooxda Bruno Fernandes la iibin karo sannadka soo socda, maadaama uu hore u diiday laba dalab oo qandaraas kordhin ah oo ay United u soo bandhigtay. Qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa bisha Juun, waxaana United ay ka hortagi kartaa inuu si xor ah uga tago kooxda iyadoo adeegsanaysa qodobka u oggolaanaya inay qandaraaskiisa kordhiso ilaa xagaaga 2028.
Halyeeygii Hore Man United Ee Ashley Young Isagoo ka hadlayay BBC Radio 5 Live, Young ayaa Madaxda Man United Ee INEOS kula taliyay inay iibiyaan Fernandes, maadaama xiddiga reer Portugal uu u muuqdo inuusan dooneyn in kooxda uu Heshiis cusub u saxiixo.
Yound ayaa Hadalkiisa ku bilaabay: “Haddii United ay lacag ka sameyn karto isaga suuqa January, anigu waan iibin lahaa,”
“Aniga ahaan, wuxuu iila muuqdaa ciyaaryahan abaalmarinnada shaqsiga ah uga muhiimsan yihiin guusha kooxda.” Sidaas ayuu ka yiri Young kabtanka kooxda Man United isagoo si weyn uka taliye inay madaxda kooxda iska iibiyaan
18-dii Novembar Ee bishan, Young ayaa United kula taliyay inay isku daydo inay kabtankooda ku beddesho xiddiga reer Nottingham Forest Ee Morgan Gibbs-White.
“Fernandes wuxuu kooxda u soo qabtay waxyaabo aan caadi ahayn, waana ciyaaryahankii ugu fiicnaa kooxda,” ayuu yiri falanqeeyaha.
“Laakiin waxaa soo baxay arrimo badan. Waxaan maqlaynaa inuu diiday dalab kale oo qandaraas kordhin ah.”
“Waxaad dooneysaa inaad koox ka dhisto ciyaaryahan. Sannadka soo socda wuxuu noqonayaa 33 jir. Da’du waa tiro keliya, laakiin hadda kuma jiro heerkiisii ugu fiicnaa. Ma dhahayo awooddiisii way dhammaatay, balse da’diisu weli way sii socotaa.”
“Aniga ahaan, waxaan aadi lahaa oo aan la soo saxiixan lahaa Morgan Gibbs-White. Magaciisa ayaan soo jeedinayaa oo keliya. Laakiin marka aad ka fikirto booska lambarka 10-aad, waxaad dooneysaa inaad koox ka dhisto ciyaaryahan.”
“Waa da’yar, waa hammi badan yahay, wuxuuna hadda ku soo biiray xulka qaranka England. Waxaan aaminsanahay inuu leeyahay awood uu ugu ciyaari karo koox ka weyn, anigoo aan ixtiraam-darro u muujinayn Nottingham Forest. Waxaan u arkaa inuu yahay ciyaaryahan ay Manchester United u baahan tahay, maadaama uu ku jiro sannadihiisii ugu fiicnaa.”
Young ayaa intaas ku daray:
“Waxaan aaminsanahay inuu Nottingham Forest ka muujiyay wax ku filan oo uu ku caddeyn karo inuu u ciyaari karo koox weyn sida Manchester United, isla markaana uu qaadi karo culayska iyo mas’uuliyadda kooxdaas.”
Ciyaaryahan kale oo hore uga tirsanaa Manchester United, Paul Parker, ayaa dhawaan sheegay in Red Devils ay tahay inay horay u socdaan iyagoo Fernandes u oggolaanaya inuu kooxda ka tago, inkastoo uu sannadihii ugu dambeeyay kooxda u qabtay adeeg aan caadi ahayn.
Sida uu qoray wargeyska Talyaaniga Ee Tuttosport, ciyaaryahanka 32-jirka ah ayaa ka niyad jabsan qalalaasaha ka jira Old Trafford, wuxuuna ka fikirayaa inuu kooxda isaga tago, iyadoo kooxaha Reer Talyaani Ee Juventus iyo Ac Milan la tilmaamayo inay aad u xiiseenayaan lasoo wareegitaankiisa.

