Arsenal iyo Tottenham oo si adag ugu tartamaya saxiixii Barcelona mudo raadineysay

0

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa dib ugu laabtay artanka saxiixa xiddiga Bournemouth Junior Kroupi, kaas oo lagu qiimeynayo ku dhawaad £80 milyan, Kroupi oo 20 jir ah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 13 gool oo Premier League ah, isagoo sameeyay bandhig cajiib ah.

Xiddiga reer France ayaa xagaagii dhaawac cagta ah soo gaaray, waxaana qasab ku noqotay qalliin. Hadda wuxuu si wanaagsan uga soo kabanayaa dhaawaca, waxaana la filayaa inuu si buuxda u taam noqdo horraanta bisha November.

Advertisment

Arsenal ayaa si gaar ah u danaynaysa weeraryahanka, halka Tottenham iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale lala xiriirinayo.

Bournemouth ayaa la fahamsan yahay inay doonayso lacag aad u badan haddii ay ogolaato inay iibiso Kroupi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here