Barcelona ayaa si heer sare ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, iyadoo hoggaanka u qabatay LaLiga kadib markii ay badiyeen dhammaan toddobadii kulan ee ugu horreeyay.
Kooxda Barcelona ayaa hadda haysata 21 dhibcood, iyadoo guulahaas oo dhan ay ka heshay toddobadii kulan ee ay ciyaartay.
Labada ciyaaryahan ee sida weyn uga dhex muuqday bilowga xilli ciyaareedka ayaa ah Lamine Yamal iyo Raphinha, kuwaas oo si joogto ah khatar ugu abuuraya difaacyada kooxaha kasoo horjeeda.
Raphinha ayaa hoggaaminaya gooldhalinta LaLiga isagoo dhaliyay 12 gool, halka Yamal uu tartanka horyaalka ka dhaliyay 7 gool.
Wargeyska Mundo Deportivo ayaa amaanay labada xiddig, isagoo tilmaamay in Yamal iyo Raphinha ay sameeyeen weerar si gaar ah khatar ugu ah kooxaha LaLiga.
Labada ciyaaryahan ayaa leh awoodo kala duwan oo si fiican isugu dhammaystiraya. Yamal wuxuu caan ku yahay dribbling-ka, hal-abuurka iyo baasaska muhiimka ah, halka Raphinha uu leeyahay awood jireed, xawaare iyo karti uu ku jebiyo difaacyada.
Labadooda ayaa sidoo kale noqday labada ciyaaryahan ee Barcelona ugu badan ee si toos ah uga qayb qaatay goolasha horyaalka qarnigan, marka la eego toddobada kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedkan.
Raphinha wuxuu dhaliyay 12 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 3 caawin, halka Yamal uu dhaliyay 7 gool oo uu sameeyay 4 caawin.
Labada xiddig ayaa isku darkooda ku lug yeeshay 26 gool oo Barcelona ah toddobadii kulan ee ugu horreeyay LaLiga.
Tiradaas ayaa ka sarreysa qaar ka mid ah labada ciyaaryahan ee caanka ahaa ee Barcelona sannadihii hore.
Xilli ciyaareedkii 2011/12, Lionel Messi iyo Cesc Fàbregas ayaa ku lug lahaa 23 gool toddobadii kulan ee ugu horreeyay LaLiga.
Messi iyo Neymar ayaa gaaray 21 wax-ku-biirin xilli ciyaareedkii 2014/15, halka Messi iyo Zlatan Ibrahimović ay sameeyeen 20 xilli ciyaareedkii 2009/10. Messi iyo Pedro Rodríguez ayaa iyaguna gaaray 18 wax-ku-biirin xilli ciyaareedkii 2013/14.
Yamal iyo Raphinha oo ka sarreeya weerarka Real Madrid
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Yamal iyo Raphinha ay wax-ku-biirintooda goolasha kaga horreeyaan labada weeraryahan ee Real Madrid, Kylian Mbappé iyo Jude Bellingham, kuwaas oo dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan isku dar ku dhaliyay 15 gool.
Raphinha ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaara horumarinta Yamal, xitaa marka uusan ciyaareyn. Waxaa la sheegay inuu si joogto ah talooyin u siiyo xiddiga da’da yar, taas oo ka caawisay inay yeeshaan isku xirnaan wanaagsan.
Raphinha ayaa sidoo kale muujiyay inuu door siinayo Yamal marar badan, isagoo u oggolaaday inuu qaado laba rigoore oo Barcelona loo dhigay kulamadii Levante iyo Racing Santander.
Marka la eego dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan, Yamal wuxuu Barcelona u dhaliyay 8 gool, halka Raphinha uu dhaliyay 14 gool.
Labadooda ayaa sidaas ku wada dhaliyay 22 gool, waxaana intaas u dheer 9 caawin, taasoo ka dhigaysa wadarta wax-ku-biirintooda 31 gool.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Yamal iyo Raphinha ay si toos ah uga qayb qaateen 31 ka mid ah 36-da gool ee Barcelona dhalisay dhammaan tartamada, taasoo muujinaysa saameynta weyn ee labada xiddig ay ku leeyihiin weerarka kooxda bilowga xilli ciyaareedkan.

