Jürgen Klopp oo ka hadlay go’aanka Manchester City, kana laabtay hadalkiisii hore ee dabaaldegga

0

Tababaraha xulka Germany, Jürgen Klopp, ayaa ka hadlay go’aankii Manchester City lagu helay jebinta xeerarka maaliyadeed ee Premier League, isagoo sheegay inuusan hadda xiisaynayn in Liverpool loo celiyo koobab haddii mustaqbalka City laga xayuubiyo qaar ka mid ah horyaalladii ay ku guuleysatay.

Manchester City ayaa lagu helay dhammaan eedeymaha la xiriira jebinta xeerarka maaliyadeed muddadii sagaalka sano ahayd ee baaritaanka lagu sameeyay, Klopp, oo waqtigiisii Liverpool ay dhowr jeer Manchester City kula tartantay horyaalka Premier League, ayaa sheegay inuusan si gaar ah uga fikirin waxa ka dhalan kara kiiskan :- “Si weyn ugama aanan fikirin arrintan. Waxaan sugi karaa oo aan si deggan u arki karaa sida ay wax u dhacaan,” ayuu yiri Klopp.

Advertisment

Klopp ayaa sidoo kale muujiyay ixtiraam uu u hayo Pep Guardiola iyo kubaddii ay Manchester City ciyaareysay intii ay isaga iyo Liverpool ku tartamayeen heerka ugu sarreeya, Wuxuu sheegay in ixtiraamka uu u hayo Guardiola iyo kooxda City uu aad u weyn yahay, sidaas darteed uusan hadda oran karin waa in kooxda lagu soo rogo ciqaab gaar ah.

Tababarihii hore ee Liverpool ayaa sidoo kale sheegay inuusan hadda diyaar u ahayn inuu saadaaliyo waxa ugu dambeyn dhici doona:- “Waxaan aad uga fogahay inaan isu diyaariyo natiijo kasta, mana lihi dareen xooggan oo aan dhinac u janjeero,” ayuu yiri Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here