WARBIXIN: Ciyaartoy Ku Dhex Saxarooday Garoonka, Xatooyadii Koobka Iyo Dhacdooyin Laga Yaabo In Aanad Maqlin.

Laga bilaabo xatooyadii Koobka Adduunka ilaa ciyaaryahan saxaro ku sii daayay garoonka dhexdiisa, kuwani waa dhacdooyin cajiib ah oo ka dhacay Koobka Adduunka oo ay adag tahay in la rumaysto.

  • Sannadkii 2002, goolhayihii Spain Santiago Cañizares ayaa seegay Koobka Adduunka kadib markii dhalo cadar ah ka dhacday gacantiisa, jabtay, isla markaana dhaawacday suulkiisa. Taasi waxay fursad siisay Iker Casillas, oo markii dambe noqday goolhayaha koowaad ee Spain.
  • Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay 1930, Argentina iyo Uruguay mid walba wuxuu watay kubbaddiisa. Markii ay finalka isku arkeen, qeybta hore waxaa lagu ciyaaray kubbadda Argentina, halka qeybta labaad lagu ciyaaray kubbadda Uruguay. Uruguay ayaa ugu dambayn ku guuleysatay 4-2.
  • Koobkii Adduunka 2014, weeraryahankii Uruguay Luis Suárez ayaa qaniinay daafaca Italy Giorgio Chiellini. Garsooruhu ma uusan arkin dhacdada, balse FIFA ayaa markii dambe Suárez ku ganaaxday sagaal kulan.
  • Koobkii Adduunka 2010, xulka France waxaa hareeyay qalalaase weyn. Ciyaartoydu waxay diideen tababarka, waxayna ka mudaaharaadeen go’aannada tababaraha, taasoo keentay in xulku si ceeb leh uga harto tartanka.
  • Sannadkii 2006, garsooraha Ingiriiska Graham Poll ayaa si qalad ah saddex kaar oo jaalle ah u siiyay ciyaaryahan Croatian ah ka hor inta uusan ugu dambayn casaanka siin. Dhacdadan ayaa noqotay mid ka mid ah khaladaadkii ugu waaweynaa ee garsoore ka galo Koobka Adduunka.
  • Koobkii Adduunka 2018, Japan waxay wareegga xiga ugu gudubtay sharciga Fair Play (anshaxa ciyaarta), maadaama ay heshay kaarar jaalle ah oo ka yar kuwa Senegal.
  • Xiddigii Brazil Tostão ayaa dhaawac halis ah oo isha ah soo gaaray ka hor Koobkii Adduunka 1970. Qalliinka kadib ayuu ku soo laabtay, wuxuuna ka qeyb qaatay guushii Brazil. Markii ay koobka qaadeen, billaddii uu helay wuxuu siiyay dhakhtarkii badbaadiyay araggiisa.
  • Koobkii Adduunka 1982, amiirkii Kuwait ayaa garoonka soo galay si uu uga doodo gool ay France dhalisay. Garsoorihii ayaa aqbalay cadaadiskaas oo goolka diiday, waxaana markii dambe laga mamnuucay garsooridda noloshiisa oo dhan.
  • Weeraryahankii England Gary Lineker ayaa qirtay inuu saxaro ku sii daayay garoonka dhexdiisa intii lagu jiray Koobkii Adduunka 1990 kadib markii uu xanuun caloosha ah la kulmay. Inkastoo dhacdadaas ceebta ahayd, haddana wuxuu sii watay tartanka wuxuuna dhaliyay goollo muhiim ah.
  • Kahor Koobkii Adduunka 1966, koobka laftiisa ayaa la xaday magaalada London. Toddobaad kadib ayaa eey la oran jiray Pickles helay koobkii oo lagu duubay wargeys laguna qariyay geed hoostiis. England ayaa markii dambe ku guuleysatay koobka sannadkaas. Koobkaas ayaa mar kale laga xaday Brazil 1983, waxaana ilaa maanta la waayay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga