Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa sii waday qorista taariikh cusub Koobka Adduunka 2026, kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulanka ay Portugal la ciyaartay Uzbekistan ee wareegga labaad ee heerka guruubyada
Labadaas gool ayaa Ronaldo ka dhigay gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka Portugal ee Koobka Adduunka, isagoo gaaray 10 gool, kana gudbay halyeeyga Portugal ee Eusébio oo hore u lahaa 9 gool.
Kabtanka Portugal ayaa sii wada jabinta rikoorrada tartanka, maadaama uu hore kulankan gudaheeda uga dhigay taariikh isaga oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee gool ka dhaliya lix daabacaadood oo kala duwan oo Koobka Adduunka ah.
Ronaldo ayaa goolal ka dhaliyay koobabkii adduunka ee 2006, 2010, 2014, 2018, 2022 iyo 2026, isaga oo ku daray guul taariikhi ah oo cusub xirfaddiisa cajiibka ah.
Cristiano Ronaldo ayaa hadda ku jira kaalinta 10-aad ee liiska gooldhaliyeyaasha ugu badan taariikhda Koobka Adduunka, isagoo 7 gool ka dambeeya hoggaamiyaha liiska, Lionel Messi, kaasoo leh 17 gool.
Iska sax messi 18 gool ayuu leeyahay