YAAB: Waa Maxay Sababta Lamine Yamal Calamo Aan Aan Dalka Spain Ahayn Ugu Xardhay Kabihiisa

Lamine Yamal ayaa Hadal-heyn Abuuray Kadib Markii uu Xirtay Kabo Ay Ku Dheggan Yihiin Calamada Equatorial Guinea iyo Morocco

Xiddiga da’da yar ee xulka Spain ayaa soo jiitay dareenka taageerayaasha kubadda cagta kadib markii sawir laga qaaday isagoo xiran kabo gaar ah oo ay ku dheggan yihiin laba calan.

Sawirka dhow ayaa muujinaya calanka Equatorial Guinea iyo calanka Morocco oo ku yaalla qaybta dambe ee kabaha ciyaaryahanka.

Arrintan ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada, iyadoo taageerayaal badan ay la yaabeen sababta uu Yamal u doortay inuu kabihiisa ku xardho labadan calan.

Qaar ayaa u arkay astaamo muujinaya ixtiraam iyo xiriir uu la leeyahay bulshooyinka taageerayaashiisa, halka kuwo kale ay ku tilmaameen fariin mideyn iyo qaddarin ah.

Sawirka waxaa la qaaday xilli Yamal uu garoonka soo galayay ka hor kulan muhiim ah, waxaana muuqata inuu ku socdo jawi deggan isagoo xiran dharka tababarka ee xulka Spain.

Si kasta ha ahaatee Sababta dhabta ah Ee Ka dambaysa in Yamal kabihiisa ku xardho ayaa ah in uu muujinayo ixtiraam waalidkiis ah.

Hooyada Dhashay Lamine Yamal ayaa Ka Soo jeeda dalka Equatorial Guinea halkan uu aabihiis Ka soo jeedo dalka Morocco.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga