XASAASI: Julian Alvarez Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Atletico Madrid

Weeraryahanka reer Argentina ee Julian Alvarez ayaa dood weyn ka dhex abuuray mustaqbalkiisa kooxda Atletico Madrid kadib hadallo uu ku xaqiijiyay inuu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan.

Alvarez ayaa warbaahinta u sheegay, sida uu soo xigtay wariye Fabrizio Romano:

“Ma doonayo inaan qariyo ama iska dhigo wax aanan ahayn. Waxaan isku dayayaa inaan noqdo mid daacad ah.”

Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan la hadlay dadka Atletico, waxaana aaminsanahay in waxa ugu wanaagsan dhammaan dhinacyada ay tahay inaan baxo. Waxaan rabaa inaan rumoobiyo riyadayda.”

Sida ay sheegayaan warar badan oo saxaafadeed, xiddiga reer Argentina wuxuu ku hamminayaa inuu ku biiro kooxda FC Barcelona, iyadoo kooxda reer Catalonia ay la gaartay heshiis ku saabsan shuruudihiisa shaqsiga ah.

Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in Barcelona ay horay u gudbisay dalab dhan 100 milyan oo yuuro si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka, balse maamulka Atlético Madrid ayaa diiday dalabkaas.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa iyaduna tartanka ku soo biirtay iyadoo soo bandhigtay dalab lagu qiyaasay 150 milyan oo yuuro, balse sidoo kale waa la diiday.

Atletico Madrid waxay ku adkaysanaysaa qiimaha qodobka lagu burburin karo qandaraaska Alvarez, kaas oo gaaraya 500 milyan oo yuuro. Taas ayaana ka dhigaysa bixitaankiisa arrin aad u adag xilligan, inkastoo ay sii kordhayaan kooxaha waaweyn ee Yurub ee doonaya saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga