Lionel Messi Oo Isha Ku Haya Rikoodh Kale Oo Taariikh Cusub.

Kabtanka xulka Argentina, Lionel Messi, ayaa qarka u saaran inuu dhigo laba rikoor oo cusub marka ay la ciyaaraan xulka Austria ee Koobka Adduunka 2026.

Messi ayaa wajahaya Austria kadib markii uu saddexley (hat-trick) cajiib ah ka dhaliyay kulankii furitaanka ee ay Argentina la ciyaartay xulka Algeria.

Saddexdaas gool ayaa ka dhigtay 38-jirka inuu la simo halyeeygii Jarmalka, Miroslav Klose, rikoodhka gooldhalinta ugu badan ee taariikhda Koobka Adduunka.

Haddii Messi uu gool ka dhaliyo Austria, wuxuu si rasmi ah u noqon doonaa ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda Koobka Adduunka isagoo rikoodhka kaligiis iska leh.

Rikoor kale oo uu jebin karo xiddiga Inter Miami CF ayaa ah kan caawinta goolasha (assists) ugu badan ee Koobka Adduunka.

Messi wuxuu u baahan yahay hal caawin (assist) oo keliya si uu kaligiis u yeesho rikoodhkaas, taasoo ka dhigaysa kulanka Austria mid taariikhi u noqon kara halyeeyga reer Argentina.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga