Xiddiga Kooxda Bournemouth ee Antoine Semenyo ayaa iska diiday kooxda Man United sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.
Xiddiga garabka ka ciyaara ee Antoine Semenyo ayaa iska diiday kooxda Man United si uu ugu biiro kooxda Man City suuqa January.
Weriyayaasha lagu kalsoonyahay ee Fabrizio Romano, Ben Jacobs ayaa xaqiijiyay in uu Antoine Semenyo iska diiday kooxda Man United si uu ugu biiro Man City.
Haatan kooxda Man City ayaa bilowday wadahadalo ay ku dhamaystirayaan heshiiska maalmaha soo socda.
Man United ayaa aad ugu dadaashay sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga laakiin xiddiga ayaa iska diiday kana doortay Man City.
Be the first to comment