Chelsea Oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Antoine Semenyo

Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo la furtay kooxda Bournemouth iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Antoine Semenyo sida ay sheegayaan wararku.

Antoine Semenyo ayaa la filayaa in uu ka tago kooxda Bournemouth inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January ee sanadka cusub.

Blues ayaa doonaysa in ay ugu yaraan hal weeraryhaan la soo saxiixato inta lagu jiro suuqa January ee soo socda.

Chelsea ayaa saxiixa Antoine Semenyo kula biirtay tartanka kooxaha Man United, Man City Iyo Liverpool kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Kooxda Maresca ayaa sidoo kale la xidhiidhay wakiilada xiddiga iyaga oo u sheegay in ay diyaaru yihiin saxiixa xiddiga reer Ghana.

Waxa xusid mudan in Heshiiska Antoine Semenyo lagu bur-burin karo lacag dhan 65 milyan oo euro suuqa January.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga