
Joe Cole ayaa saadaal ka bixiyay kulanka soo socda ee ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Real Madrid wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.
Arsenal iyo Real Madrid ayaa u soo baxay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay ka kala badiyeen PSV Iyo Atletico Madrid.
Arsenal waligeed hore uguma guulaysan Champions League taariikhdeeda halka Real Madrid ay tahay kooxda ku guulaystay 15 jeer.
Kooxda Real Madrid ayaa gali doonta kulanka iyaga oo ugu cad-cad kulanka laakiin Cole ayaa rumaysan in ay Gunners haysato fursad ay ku garaaci karto Real Madrid.
“Kooxdan Arsenal way ka badin kartaa cid walba kulamo laba lugood ah”ayuu Cole yidhi.
“Waxa jira meelo banana kooxdan hataan ma haystaan weeraryahan sidoo kale waxa ku dhacay dhaawacyo badan laakiin mararka qaar taas ayaa ku rajo galinaysa”.
Be the first to comment