Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Waxa la soo afjaray kulamadii todobaadka 29-aad ee horyaalka premier League oo meel xiiso leh maraya.

Hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool ayaa sii dheeraystay hogaanka kadib markii ay garaaceen kooxda Southampton.

Dhinaca kale Arsenal ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Man United kulan ka dhacay Old Trafford.

Man City ayaa dhinaceeda guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Nottingham Forest halka ay Chelsea ka badisay Leicester City.

Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda uGu fiican todobaadka premier League.

Kooxaha Crystal Palace, Aston Villa Iyo Nottingham Forest ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo shaxda ku leh min 2 xiddig.

Kooxaha Arsenal, Bournemouth, Man United, Liverpool Iyo Newcastle ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

Troy's team of the week

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga