Wararka kooxda Barcelona maxaa ka cusub, suuqa xiga waxa lagu soo kordhinayo, Daafacyo oo kooxda la keenayo, Szczęsny oo la filayo inuu Barcelona ka tago.

0

Sida ay sheegtay warbaahinta Polish-ka ah Ee Interia Pilka, Barcelona ayaa mashquul badan ku ahayd suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Ee dhawaan xirmay. Kaddib sannado ay suuqa si deggan uga shaqeynayeen, kooxda ayaa mar kale lacag badan ku bixisay suuqa kala iibsiga.

‎Dhammaan calaamadaha ayaa muujinaya in taageerayaasha Barcelona ay filan karaan dhaqdhaqaaqyo kale oo suuqa kala iibsiga ah bilaha soo socda, iyadoo ay sidoo kale jiri doonaan ciyaartoy kooxda ka tagaya, waxaana ka mid ah Wojciech Szczęsny oo la filayo inuu dhowaan baxo.

Advertisment

‎‎Suuqa u danbeeye, Barcelona waxay xoogga saartay xoojinta weerarkeeda, iyadoo la soo saxiixatay Anthony Gordon, Karim Adeyemi iyo Gabriel Jesus. Kooxda reer Catalonia ayaa sidoo kale isku dayday inay lasoo saxiixato Julián Álvarez, kaasoo ay u aragtay beddelka suurtagalka ah ee Robert Lewandowski, balse heshiiskaasi ugu dambeyn wuu fashilmay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray dhaleeceyn badan oo ku saabsan in Barcelona ay xoogaa dayacday difaaceeda intii ay hawshaas ku jirtay.

‎‎Walaacyadii laga qabay difaaca kooxda ayaa tan iyo markaas noqday xaqiiqo. Toddobaadyadii ugu dambeeyay, tababaraha kooxda Hansi Flick ayaa la kulmay dhibaatooyin waaweyn oo ku saabsan xulashada ciyaartoyda, sababo la xiriira dhaawacyo isdaba joog ah, iyadoo Xavi Espart, Jules Koundé iyo Andreas Christensen ay ka mid yihiin ciyaartoyda dhaawacyadu garoomada ka maqnaanshaha ku qasbeen. Sidaas darteed, lama yaabin in Barcelona ay mudnaanta koowaad siin doonto soo xero gelinta daafacyo cusub suuqa kala iibsiga Ee soo socda.

‎Arrintan waxaa sidoo kale xaqiijiyay David Ornstein oo ka tirsan Wargeyska The Athletic, kaasoo sheegay in Barcelona ay bilaha soo socda xoogga saari doonto keenista ciyaartoy difaaca xoojiya. Inkastoo kooxda si weyn loola xiriirinayay daafaca Inter Milan Ee Alessandro Bastoni, haddana Flick ayaa ugu dambeyn soo dhex galay oo diiday in lala soo saxiixdo xiddiga xulka qaranka Talyaaniga. Dhowr daafac ayaa hadda ku jira liiska xulashooyinka Barcelona, waxaana ka mid ah da’yarka reer Netherlands Ee Ruud Nijstad.

‎Sida ay sheegtay The Athletic, Barcelona waxay doorbideysaa inay la soo saxiixato daafac khibrad leh, inkastoo ay weli u furan tahay xulashooyin kale. Isla waqtigaas, waxaa sidoo kale jiri doona ciyaartoy kooxda ka tagaya. Ornstein ayaa xusay in waqtiga Szczęsny ee Barcelona la filayo inuu soo dhammaado bisha June 2027, iyadoo qandaraaska goolhayaha reer Poland uu dhacayo 30-ka June, isla markaana aan la fileyn in dib loo cusbooneysiiyo.

‎Doorkiisa iyo booskiisa kooxda ayaa sii yaraanayay, gaar ahaan kaddib imaatinkii dhowaan Ee Goolhayaha lagu magacaabo Dominik Livak.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here