Ian Wright oo ka walaacsan difaaca horyaalka Arsenal kaddib saddex qalad oo suuqa kala iibsiga ah, wuxuuna dalbaday in Janaayo wax laga qabto
Halyeeyga kooxda Arsenal Ee Ian Wright ayaa bilaabay inuu ka walwalo sida Arsenal u difaacan doonto horyaalka Premier League, kaddib qaladaadkii ay ka sameeyeen suuqa kala iibsiga xagaaga. Wuxuuna ku adkeystay in “wax ay tahay inay dhacaan suuqa January”, xilli Liverpool ay bilowday inay si fiican u ciyaarto.
Gunners ayaa lix dhibcood ku hoggaamineysa horyaalka Premier League, balse hadda waxay dhibco lumiyeen labadii kulan Ee ugu dambeysay Ee dhammaan tartamada, kaddib barbarro 2-2 ah oo ay la galeen Newcastle iyo barbarro 1-1 ah oo ay Talaadadii habeenkii Champions League kula galeen Borussia Dortmund.
Viktor Gyokeres ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay gool qurux badan oo uu ka dhaliyay bannaanka xerada ganaaxa, balse Maximilian Beier ayaa goolka barbaraha u dhaliyay kooxda martida ahayd, kulan kale oo ay kooxda Mikel Arteta soo bandhigtay ciyaar aan firfircooneyn.
Daafaca iyo khadka dhexe Ee Arsenal ayaa si weyn loogu tiriyaa inay ka mid yihiin kuwa ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka, balse saddexda weeraryahan Ee kooxda ayaa marar badan lagu dhaliilay hal-abuur la’aantooda iyo goolasha yar Ee ay dhaliyaan.
Kaddib markii ay Arsenal xagaagii baadi-goobaysay dhowr ciyaaryahan oo magac weyn leh oo garabka bidix ka ciyaara, gaar ahaan Vinicius Junior oo ka tirsan Real Madrid, Arsenal ayaa ugu dambeyn la soo saxiixatay Christos Tzolis oo ay kala soo wareegtay kooxda Club Brugge, iyadoo ku bixisay lacag dhan 34 milyan oo gini.
Inkasta oo Tzolis uu bilow wanaagsan ku yeeshay Arsenal, haddana bandhigyadiisa waayadan dambe ma fiicna, welina wax gool ah uma uusan dhalin kooxdiisa cusub, isagoo sidoo kale sameeyay laba caawin oo keliya 12 kulan oo uu ka ciyaaray dhammaan tartamada oo idil.
Ciyaaryahanka 24-jirka ah ayaa si weyn ugu dhibtooday kulankii Dortmund, waxaana Ian Wright uusan ku qanacsanayn inuu awoodi doono inuu gaaro heerka looga baahan yahay, kaddib markii kooxdiisii hore ay xagaagii fasaxday Gabriel Martinelli iyo Leandro Trossard labadaba.
Ian Wright Isagoo la hadlayay barnaamijka The Overlap oo ay maalgeliso Sky Bet, ayuu yiri:
“Waxay ahayd ciyaar adag in la daawado, runtii daawashadeedu way adkayd.”
“Dhinaca daafaca aad ayaan u adag nahay, khadka dhexena aad ayaan ugu wanaagsan nahay. Laakiin waa inay wax ka qabtaan afarta weeraryahan ama saddexda weeraryahan Ee hore.”
“Noni Madueke wuxuu ciyaarayaa si aan caadi ahayn oo heer sare ah, ilaa heer uu Saka siinayo waqti nasasho oo intaas ka badan, sida uu Ezri Konsa ugu sameeyay Saliba.
“Waxaan kaliya is leeyahay ciyaartoy nagu filan ma haysanno. Inaan iska fasaxno Trossard iyo Martinelli waxay aheyd arrin aad u xun, Waxaan badalkooda haysannaa Tzolis, kaasoo labadii kulan Ee ugu dambeeyay aan si dhab ah u muujin waxqabad igu qancinaya oo aan ku aamino, sababtoo ah ma arko inuu gaari karo heerkaas.
“Weerarka, fursadahaas waa la luminayaa, waana sidaas oo kale kulankii ugu dambeeyay. Wax ay tahay inay dhacaan suuqa January.”
Sidoo kale Halyeeyga Man United Ee Gary Neville ayaa Ian Wright u sheegay in Arsenal ay si raaxo leh u difaacan doonto horyaalkeeda, balse Wright sidaas kuma qanacsana, maadaama Liverpool ay waxqabadkeeda sare u qaadayso iyadoo uu hoggaaminayo Andoni Iraola.
“Uma maleynayo inaan horyaalka si fudud ugu guuleysan doonno, sababtoo ah goolal nagu filan ma dhalineyno sida la rabay,” ayuu yiri.
“Arteta wuxuu ciyaartoydaas ku riixayaa inay dadaalaan. Waxaan kaliya u maleynayaa in qaabka tababaruhu yahay iyo heerarka uu ka dejiyay tayada iyo waxqabadka ciyaartoyda ay garanayaan waxa laga doonayo inay sameeyaan.”
“Haa, waxaad u baahan tahay qof ku riixa, haddii aan si buuxda runta u sheego, waxaan u maleynayaa inay Liverpool noqon doonto kooxda nagu adkaan doonta inaan Horyaalka kula tartano, Waxaan u maleynayaa afartaas weeraryahan iyo Wirtz oo hadda bilaabay inuu si fiican u ciyaaro. Marka aad eegto daafaca midig Araujo. Haddii weeraryahannadu ay bilaabaan inay si fiican u ciyaaraan, waxay noqon karaan dhibaato weyn.”
Ian Wright wuxuu taagan yahay Arsenal waxaan arkaa inaysan Horyaalka difaacan doonin Hadii aysan suuqa January is soo dhuudhujin oo ciyaartoy weerar yahan halis ah oo goolal fardhinaya la imaan…
Adiga aragtidaada malu raacsan tahay, aragtida Halyeeyga Arsenal Ee Ian Wright?

