Steven Gerrard oo aad u amaanay da’yarka Hibada Leh Ee Rio Ngumoha, isagoo aad ula dhacsan kubadiisa

0

Halyeeyga Kooxda Liverpool EeSteven Gerrard ayaa ammaan weyn u jeediyay da’yarka Liverpool Ee Rio Ngumoha, kaddib markii Reds ay habeenkii Arbacada Ee Xalay ay 3-0 kaga adkaadeen kooxda Reer Belgium Ee Brugge..

Gerrard ayaa sheegay inuu aad uga helay awoodda iyo adkaysiga uu Ngumoha muujiyay kulankii Champions League Ee ay Xalay la ciyaareen Club Brugge.

Advertisment

Garabka weerarka ka ciyaara Ee 18-jirka ah ayaa kulanka ka bilaawday kursiga keydka Ee garoonka Jan Breydel Stadium, iyadoo Macalin Andoni Iraola uu doortay inuu safka hore ku bilaabo Víctor Muñoz iyo Bradley Barcola.

Si kastaba ha ahaatee, Muñoz ayaa dhaawac ku qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii hore Ee ciyaarta, waxaana fursad la siiyay Ngumoha. Taageerayaasha Liverpool ayaa muddo kooban ka baqay waxa ugu xun markii uu ciyaaryahanka reer Spain u muuqday inuu jilibka dhaawacay xilli uu kubadda laadayay, ka hor inta uusan dhulka ku dhicin oo garoonka loo soo gelin sariirta dhaawacyada Ciyaartoyda lagu qaado.

Nasiib wanaag, ciyaaryahanka 23-jirka ah ayaa awood u yeeshay inuu garoonka isaga baxo isaga oo aan cidna caawin, inkastoo Iraola uu markii dambe xaqiijiyay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono ka hor inta aysan Liverpool ogaan heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisu. Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id Ee ciyaarta kaddib, ayuu yiri:

“Garoonka ayuu kaga baxay isagoo xanuun badan dareemaya.. Ciyaarta kaddib aad ayuu uga fiicnaa. Jilibka ayuu jug ka gaaray, sidaas darteed hadda waa inaan qiimeyn ku sameynaa.”

“Haddii uu berri xaaladdiisu wanaagsan tahay, waxay noqon doontaa jug keliya… laakiin dabcan waa xilli hore in la sheego in wax ka daran jug ay jiraan iyo in kale. Si kastaba ha ahaatee, waqtigaas xanuunku aad iyo aad ayuu u badnaa. Ciyaarta kaddib ayaan la hadlay, wuxuuna u muuqday mid xoogaa rajo wanaagsan qaba.”

Ngumoha ayaa beddelay Muñoz inta ka hartay ciyaarta, waxaana da’yarku isla markiiba soo jiitay indhaha khadka dhexe iyo daafaca Club Brugge, isaga oo soo bandhigay xirfadihiisa kubadeed Ee degdegga ah iyo dhaq-dhaqaaqiisa marka uu kubadda haysto iyo marka uusan haysanba.

Foorigii ugu dambeeyay Ciyaarta kaddib, Joe Cole iyo Gerrard ayaa ammaan badan u jeediyay da’yarka, iyagoo falanqeynayay muuqaalladiisa wanaagsan Ee TNT Sports.

Cole ayaa yiri:

“Waxaan aad u jeclahay inaan daawado isaga oo ciyaaraya, runtii. Waxaan ula jeedaa, waa ciyaaryahan ciyaarta ku soo kordhiya firfircooni cusub, waxaana ka buuxa xirfado kala duwan. Wuxuu ku ciyaaraa firfircoonida iyo geesinimada dhalinyaranimada.”

“Waxaad ka arki kartaa farxadda uu ciyaartiisa ku muujinayo. Daafaca bidix ee kooxda kale waa inuu is lahaa markii uu garoonka soo galay: ‘Heerkulku waa siddeed darajo oo eber ka hooseeya, tanina waa waxa ugu dambeeya ee aan u baahanahay.’ Wuxuu kiciyay taageerayaasha oo dhan, wuxuuna si heer sare ah uga qayb qaatay goolkaas.”

“Aad ayaan ugu faraxsanahay. Waxaan filayaa inuu fursad weyn u haysto inuu ku soo bilowdo kulanka derby-ga, Stevie.”

Markii la soo bandhigay muuqaalka Ngumoha oo kubadda xoog uga qaatay Ciyaaryahanka kooxda Club Brugge Ee Mamadou Diakhon, Gerrard ayaa intaas ku daray:

“Aad ayaan taas uga helay. Caadi ahaan, wiil da’yar oo da’daas ah si fudud ayaa kubadda looga riixi lahaa, waxaana dhinac isaga tuuri lahaa ciyaartoyda kale. Laakiin wuxuu muujiyay awood iyo adkaysi weyn si uu kubadda u sii haysto.”

Markii la soo bandhigay muuqaalka Ngumoha oo caawin u sameeyay goolkii Florian Wirtz, ayuu yiri:

“Waa baas cajiib ah. Xawaaraha kubadda ayaa daafacyada ciyaarta ka saaray, waana caawin aad u qurux badan oo uu sameeyay.”

Liverpool wax dhib ah kuma aysan qabin inay dhex marto daafaca Club Brugge, ugu dambeyntiina waxay ku badisay 3-0. Alexander Isak ayaa hoggaanka u dhiibay kooxda Macalin Andoni Ireola daqiiqaddii 13-aad, halka Wirtz uu laba jibbaaray hoggaanka Reds iyadoo ay ciyaarta ka harsanaayeen ku dhowaad 10 daqiiqo.

Daqiiqado kaddib, Isak ayaa dhammaystiray labadiisii gool ee habeenkaas, isagoo kubadda si farsamo leh uga dul qaaday Goolhaayaha kooxda Club Brugge, taasoo guusha u xaqiijisay kooxdiisa. Hadda dhammaan indhaha ayaa ku jeeda kulanka derby-ga Merseyside Ee ay Axadda duhurkii la ciyaari doonaan Everton, kaasoo ka dhici doona garoonka Hill Dickinson Stadium.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here