Sida ay sheegtay warbaahinta CaughtOffside, Oo ka waranta wararka kooxda Liverpool ahaa sheegtay in kooxda Liverpool ay wadahadallo loogu Hadlayo heshiis cusub la furtay Goolhaayaha Reer Brazilian Ee Alisson Becker, iyadoo kooxdu dooneyso inay xal ka gaarto mid ka mid ah heshiisyada ugu waaweyn Ee qandaraaskoodu ka dhacayo kooxda.
Goolhayaha xulka qaranka Brazil oo 34 jir ah ayaa qandaraaskiisa haatan ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan, taasoo ka dhigan inuu horraanta suuqa January Ee soo socota si xor ah heshiis hordhac ah ula geli karo kuwo ka mid ah kooxaha Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool iyo Becker labaduba waxay u muuqdaan kuwo doonaya inay sii wataan wada shaqeyntooda guusha leh wixii ka dambeeya ilaa 2027.
Sida uu sheegay wariyaha Nicolò Schira, Liverpool ayaa wadahadallo heshiis kordhin ah la furtay Becker, iyadoo dhinaca goolhayaha ay rajeynayaan inay saxiixaan heshiis cusub oo soconaya ilaa 2029.
Schira ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha sida Juventus iyo CR Flamengo ay xiiseynayeen inay la soo wareegaan goolhayihii hore Ee Roma bilowga xagaagan 2026, balse maamulka Liverpool iyo tababaraheeda Iraola ay u arkeen ciyaaryahan aan iib ahayn.
Alisson ayaa horey u caddeeyay mowqifkiisa. Horaantii bishan, wuxuu xaqiijiyay in wakiilkiisu wadahadallo kula jiro Liverpool, wuxuuna si fagaare ah u muujiyay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Anfield, isagoo intaas ku daray in isaga iyo qoyskiisu ay aad ugu faraxsan yihiin nolosha ay ku leeyihiin Merseyside-ka
Arrintan ayaa ka dhigeysa in heshiis la gaaro uu yahay mid rajo wanaagsan leh, inkastoo muddada heshiiska iyo shuruudaha dhaqaale Ee heshiis kordhinta suurtagalka ah ay weli u baahan yihiin in la dhammeystiro.
Inkasta oo Liverpool ay diyaarsatay qorshayaal ku saabsan beddelka goolhayaha mustaqbalka, haddana waxaa weli macquul ah in kooxdu ay sii haysato Becker, iyadoo loo baahan yahay inay hesho isku dheelitirnaan sax ah.
Wargeyska CaughtOffside ayaa horay u sheegtay in Inter Milan ay isha ku heyso Becker, iyadoo dooneysa inay si xor ah kula soo wareegto xagaaga 2027, halka kooxda Juventus la tilmaamayo inay sidoo kale weli xiiseyneyso.
Liverpool waxay durba keydka ku heysataa Giorgi Mamardashvili, halka goolhaye da’yar oo si weyn loo qiimeeyo, Luca Brugmans, isagana la filayo inuu mustaqbalka u tartamo booska kooxda koowaad. Si kastaba ha ahaatee, in qorshe beddelid la heysto macnaheedu ma aha in Liverpool ay ku degdegto inay Becker fasaxdo… Xitaa isagoo 34 jir ah, Alisson ayaa la sheegayaa inuu weli yahay goolhayaha koowaad Ee Macalin Andoni Iraola, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ugu dambeeyay Ee ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Crystal Palace.
Heshiis soconaya ilaa 2029 wuxuu ka dhigan yahay inuu 36 jir noqon doono marka uu dhammaado, sidaas darteed Liverpool waa inay si taxaddar leh u qiimeysaa da’diisa, mushaarkiisa iyo fursadda horumarineed Ee Mamardashvili.
Si kastaba ha ahaatee, goolhayeyaasha heerka sare ah ayaa inta badan sii haysta qaab ciyaareed wanaagsan xitaa marka ay galaan da’da soddomeeyada. Haddii shuruudaha dhaqaale ay sax noqdaan, heshiis kordhinta Becker waxay meesha ka saari doontaa hubanti la’aanta aan loo baahnayn, waxayna Liverpool u oggolaan doontaa inay si tartiib ah oo waqtigeeda ku habboon u maareyso isbeddelka booska goolhayaha.
Maadaama Alisson Becker uu weli doonayo inuu sii joogo kooxda, in loo oggolaado inuu si xor ah uga tago xagaaga 2027 waxay noqon kartaa khatar aad uga weyn oo kooxda Reds soo wajahda.

