Xiddiga Barcelona, Lamine Yamal oo jebiyey rikoor aan caadi aheyn , waxba lagama qaban karo

0

Xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, ayaa mar kale magaciisa ku qoray taariikhda kubadda cagta Spain kadib bandhiggiisii kulankii Atletico Madrid.

Yamal ayaa caawiyay goolkii guusha ee Barcelona, taasoo ka dhigtay ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda horyaalka La Liga ee gaaray 40 caawin ka hor inta uusan 22 sano jirsan.

Advertisment

Khabiirka xogta iyo tirakoobka kubadda cagta, MisterChip, ayaa shaaciyay heerka ay gaarsiisan tahay guushan taariikhiga ah. Yamal ayaa 40-ka caawin ku gaaray isagoo jira 19 sano iyo 118 maalmood, wuxuuna rikoor hore oo horyaalka ah ku jabiyay farqi ku dhow saddex sano.

Liiska ciyaartoydii ugu da’da yaraa ee gaaray 40 caawin taariikhda La Liga ayaa muujinaya sida uu Yamal uga hormaray xiddigihii ka horreeyay:

Lamine Yamal: 19 sano iyo 118 maalmood
López Ufarte: 22 sano iyo 15 maalmood
Adrián Escudero: 22 sano iyo 349 maalmood
SeguÍ: 23 sano iyo 74 maalmood
Etxeberria: 23 sano iyo 158 maalmood
Lionel Messi: 23 sano iyo 158 maalmood

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here