Wariye u dhashay Croatia, Zdravko Reić, ayaa qirtay inuu khalad sameeyay markii uu Harry Kane ka galay kaalinta lixaad codbixinta abaalmarinta Ballon d’Or 2026.
Wuxuu sheegay in Rodri uu kaalinta koowaad siiyay, halka Erling Haaland uu galay kaalinta labaad, Lionel Messi kaalinta saddexaad, Ferran Torres kaalinta afraad, Kylian Mbappé-na kaalinta shanaad.
Waxa kale oo uu shaaciyay inuusan liiskiisa ku darin xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal, isagoo sabab uga dhigay dhaawacii uu qabay iyo doorkii yaraa ee uu ku lahaa Koobka Adduunka.
Wariyuhu wuxuu ku adkaystay in waxqabadka ciyaartoyda Koobka Adduunka uu ahaa qodobka ugu muhiimsan codbixintiisa, balse wuxuu hadda qirtay in Harry Kane uu mudnaa inuu ka galo kaalmo ka sarreysa tii uu siiyay.

