Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Martín Zubimendi, ayaa sheegay inuu doonayo inuu kooxda sii joogo ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, isagoo muujiyay inuu ku faraxsan yahay joogitaanka Emirates Stadium.
“Ma u malayneysaa inaad Arsenal sii joogi doonto ilaa bisha June? Haa, sidaas ayaan filayaa. Halkaas waan ku faraxsanahay,” ayuu yiri Zubimendi.
Advertisment
Wuxuu sidoo kale sheegay in tababare Mikel Arteta uu bilowgii xilli ciyaareedka u sharraxay qorshaha kooxda, isla markaana ay hadda si wadajir ah ugu dagaallamayaan sidii ay u gaari lahaayeen himilooyinkooda.
Ads

