Halyeeygii hore ee xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Real Madrid, Toni Kroos, ayaa ku dooday inay aad ugu adkaan doonto kooxda Barcelona inay ku guuleysato tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan.
Sida uu qabo Kroos, qaab-ciyaareedka ay ku tiirsan tahay Barcelona ayaa ah mid ku dhisan oo keliya inay dhaliyaan goolal ka badan kuwa kooxda ka soo horjeedda, taas oo halis weyn ku keeni karta kulamada waaweyn ee Yurub.
Isagoo ka hadlayay fursadaha kooxda reer Catalonia ayuu yiri: “Qaab-ciyaareedkan ay ku ciyaarayaan, aad ayay ugu adag tahay Barcelona inay ku guuleysato Champions League. Qorshaha Barcelona wuxuu mar walba ku saleysan yahay inay abuuraan fursado ka badan kuwa kooxda ka soo horjeedda.”
Halyeeygan reer Jarmal oo sii sharraxaya caqabadaha horyaalla kooxda ayaa raaciyay: “Laakiin tartanka Champions League, arrintaas aad iyo aad ayay u sii adkaanaysaa. Waxaad wajaheysaa kooxo awood u leh inay dhaliyaan goolal badan hal kulan gudihiis.”
Kroos ayaa hadalkiisa ku soo xiray: “Waxaad sidoo kale ka hor imaanaysaa kooxo si cajiib ah oo heer sare ah u difaacda, kuwaas oo aan gabi ahaanba kuu ogolaan doonin inaad u ciyaarto sida aad adigu rabto.

