Zidane oo sharaxay dabaaldegii goolka Olise, kana hadlay kulanka Italy

0

Tababaraha xulka qaranka France, Zinedine Zidane, ayaa sharaxaad ka bixiyay falcelintii xoogga lahayd ee uu sameeyay kaddib markii Michael Olise uu daqiiqaddii 88-aad dhaliyay goolka guusha ee ay France 1-0 kaga adkaatay Belgium ciyaar ka tirsanayd UEFA Nations League.

Zidane ayaa xilli uu goolka dhacay ku orday gudaha garoonka, isagoo kubad si xoog leh u laaday, taasoo muujisay farxaddiisa iyo xamaasadda uu ka qaaday goolka waqtiga dambe yimid, Isagoo ka hadlayay dabaaldeggiisa, Zidane ayaa sheegay inuu arkayay Olise oo kubadda la ordayay isla markaana uu aaminsanaa inuu gool dhalin doono, “Waxaan arkayay isaga oo kubadda la socda oo ciyaartoyda dhex maraya, waxaan naftayda ku iri wuu dhalinayaa. Waxaan si buuxda ula socday xilligaas,” ayuu yiri Zidane.

Advertisment

Tababaraha France ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedkii kooxdiisa, gaar ahaan cadaadiska sare iyo sida ay qorshahooda uga hirgeliyeen koox Belgium ah oo uu ku tilmaamay mid xooggan.

Zidane ayaa xusay in France ay muujisay geesinimo, isla markaana aysan ka baqin inay si joogto ah ugu dhaqaaqdo qeybta Belgium. Wuxuu sheegay in dhammaan ciyaartoydu si wanaagsan uga qaybqaateen ciyaarta, taasoo uu ku tilmaamay mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu doonayo.

Tababaraha ayaa sidoo kale amaanay Lucas Da Cunha, kaasoo kulankiisii ugu horreeyay u saftay France. Zidane wuxuu sheegay inuu si wanaagsan ula qabsaday koox uusan horey ula soo ciyaarin, isla markaana uu u ciyaaray xorriyaddii uu tababaruhu ka doonayay.

Dhanka kale, Zidane wuxuu si gaar ah u ammaanay Michael Olise, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan leh tayo dabiici ah iyo faham sare oo kubadeed, Wuxuu sheegay in Olise uu yahay ciyaaryahan jecel inuu taageerayaasha madadaaliyo, isla markaana uu si fiican u fahmo waqtiga uu weerarka ku dedejinayo iyo marka ay habboon tahay inuu ciyaarta dejiyo.

Zidane ayaa sidoo kale amaanay Désiré Doué iyo guud ahaan ciyaartoyda France, isagoo sheegay in Belgium ay daafacyadeedu marar badan hore ugu soo dhaqaaqeen, balse ciyaartoydiisa ay si wanaagsan ula tacaaleen arrintaas, Markii la weydiiyay haddii France ay leedahay 11 ciyaaryahan oo joogto ah, Zidane wuxuu sheegay in waxa uu doonayo ay tahay in dhammaan ciyaartoydu dareemaan inay kooxda muhiim ka yihiin.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aanka ugu dambeeya uu isaga leeyahay, balse uusan doonayn ciyaartoy horay u maleynaya inuusan ciyaari doonin, isagoo doonaya in dhammaan xiddigaha ay mar walba diyaar u ahaadaan inay garoonka galaan, Zidane ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay kulanka xiga ee France ay la ciyaari doonto Italy, balse wuxuu sheegay in waqtigan uusan u hamuun qabin kulankaas, maadaama ciyaartoydu marka hore u baahan yihiin nasasho.

“Ma aha hadda, sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan nasanno. Waxa aan hadda doonayo waa in ciyaartoydu caafimaadkooda iyo tamartooda soo ceshadaan, isla markaana ay waqti yar naftooda helaan,” ayuu yiri Zidane.

France ayaa hadda haysata 6 dhibcood, waxaana ay hoggaanka group-ka ku jirtaa kaddib guulihii ay ka gaartay labada kulan ee ugu horreeyay, Kulanka Italy ayaa Zidane u noqon kara mid xusuus gaar ah leh, maadaama uu 2006-dii isagoo ciyaaryahan ah finalkii Koobka Adduunka kula kulmay Italy, kulan uu ku dhammaaday murankii caanka noqday ee Marco Materazzi iyo kaarka cas ee Zidane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here