Xidiga Chelsea oo kusii dhawaanaya Barcelona & Tartanka Classico oo durba laga dareemay ?

0

Xiddiga da’da yar ee Chelsea, Estevao, ayaa weli soo jiidanaya xiisaha Barcelona iyo Real Madrid, kuwaas oo muddo dheer la socday ciyaaryahanka reer Brazil, Chelsea ayaa Estevao kala soo wareegtay Palmeiras iyadoo ku bixisay ku dhowaad £29 milyan, waxaana kooxda reer London ay u aragtaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan qorshaheeda mustaqbalka.

Estevao oo hadda 19 jir ah ayaa Chelsea u saftay 42 kulan, isagoo dhaliyay 8 gool kuna daray 4 caawin, Wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanku uu ku qanacsan yahay nolosha London, isla markaana uu doonayo inuu sii joogo Chelsea si uu ula shaqeeyo tababare Xabi Alonso, una horumariyo ciyaartiisa iyo la qabsiga kubadda cagta England.

Advertisment

Barcelona ayaa si gaar ah u xiisaynaysa Estevao, iyadoo aaminsan in mustaqbalka uu noqon karo xiddig heer caalami ah oo muhiim u ah kooxda, Dhanka kale, Real Madrid ayaa sidoo kale si dhow ula socota xaaladdiisa, balse labada kooxood waqtigan uma muuqdaan inay heli doonaan fursad fudud oo ay ku qaataan.

Chelsea ayaa aan doonayn inay dhageysato dalabyo loo soo gudbiyo Estevao, iyadoo heshiiskiisa Stamford Bridge uu soconayo ilaa 2033, Waxaa gudaha Chelsea ka jirta aaminaad ah in Estevao uu mustaqbalka ka mid noqon karo ciyaartoyda ugu fiican adduunka. Sidaas darteed, inkastoo Barcelona iyo Real Madrid ay isha ku hayaan, mustaqbalka dhow wuxuu weli ku xiran yahay Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here