Michael Olise oo France ku hoggaamiyay guul Waqti dambe timid oo ay ka gaareen Belgium

0

Xulka qaranka France ayaa guul muhiim ah oo 1-0 ah ka gaaray Belgium, kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka group-yada UEFA Nations League xilli ciyaareedka 2026/2027, France ayaa marti ku ahayd Belgium, waxaana labada xul ay ku ciyaareen garoonka King Baudouin Stadium, iyadoo kulanku ahaa mid adag oo labada dhinac ay fursado abuureen.

France ayaa kulanka ku heysatay kubadda, iyadoo haysatay 63% halka Belgium ay haysatay 37%. Xulka Les Bleus ayaa sidoo kale sameeyay 16 darbo oo goolka ah, halka Belgium ay sameysay 9 darbo, Si kastaba ha ahaatee, labada xul ayaa ku kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta barbaro goolal la’aan ah, iyadoo France ay ciyaarta ku soo gashay iyadoo ka maqanyahay xiddigeeda Kylian Mbappé oo dhaawac ku seegay kulankan.

Advertisment

Qeybtii labaad ayaa iyaduna sii socotay iyadoo labada kooxood ay ku adkaatay inay shabaqa soo taabtaan, balse France ayaa ugu dambeyn heshay goolka guusha daqiiqadihii ugu dambeeyay, Michael Olise ayaa daqiiqaddii 88-aad dhaliyay goolka muhiimka ah ee France, isagoo kubadda shabaqa Belgium ku hubsaday xilli ciyaartu ku dhoweyd inay ku dhammaato barbaro.

Guushan ayaa France siisay saddex dhibcood oo kale, waxaana ay hadda leedahay 6 dhibcood, iyadoo hoggaanka u qabatay group-ka.

Dhanka Belgium, guuldarradan ayaa ka dhigtay inay ku sii nagaato 3 dhibcood, halka Italy ay sidoo kale leedahay 3 dhibcood kaddib markii ay 4-1 kaga adkaatay Turkey. Turkey ayaa group-ka ugu hooseysa iyadoo aan wax dhibco ah lahayn.

Kulanka xiga, France ayaa wajahaysa Italy, halka ay wareegga group-yada ku soo gabagabeyn doonto kulan kale oo ay markale la ciyaari doonto Belgium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here