Jamie Carragher ayaa Chelsea ugu baaqay inay suuqa Janaayo la soo wareegto daafac dhexe oo awood badan isla markaana hoggaamiye ah.
Carragher ayaa dhaleeceeyay Wesley Fofana iyo Levi Colwill, isagoo sheegay in labada ciyaaryahan aysan si wanaagsan isula jaanqaadi karin, isla markaana Chelsea ay ka maqan tahay hoggaamiye dhab ah oo difaaca dhexe ah.
Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan laga dhaliyay 20 gool, halka Carragher uu sheegay in Maxence Lacroix uusan ahayn xal waara.
Wuxuu ka digay in haddii Chelsea aysan Janaayo xoojin difaaceeda, ay si weyn ugu adkaan karto inay u soo baxdo Champions League ama ay ku tartanto koobab.

