Tababaraha xulka qaranka Spain, Luis de la Fuente, ayaa ka hadlay abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadka 2026, isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa in abaalmarinta loo kala qaado dhinaca ciyaartoyda iyo tababarayaasha Isbaanishka.
De la Fuente ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka Spain iyo Croatia ee UEFA Nations League, Waxaa horay loo shaaciyay liiska 30-ka ciyaaryahan ee u sharaxan Ballon d’Or, waxaana ku jira xiddigaha Spain ee Lamine Yamal iyo Rodri.
Sidoo kale, De la Fuente ayaa ka mid ah tababarayaasha u sharaxan abaalmarinta tababaraha sannadka, iyadoo ay liiska kula jiraan Mikel Arteta, Unai Emery, Vincent Kompany iyo Luis Enrique, De la Fuente ayaa sheegay inuusan garanayn dhammaan shuruudaha lagu saleeyo codbixinta, balse uu doonayo in qof Isbaanish ah uu ku guuleysto Ballon d’Or, ha noqdo ciyaaryahan ama tababare.
Wuxuu yiri inuu ku faraxsan yahay oo uu sharaf u arko in magaciisa lagu daray liiska musharraxiinta, isagoo xusay in ku guuleysiga abaalmarintu uu macno weyn u yeelan doono, Dhanka ciyaartoyda, tababaraha Spain ayaa si gaar ah u taageeray xiddigaha dalkiisa, isagoo sheegay inay mudan yihiin abaalmarinta, maadaama uu aaminsan yahay inay ka mid yihiin ciyaartoyda ugu fiican adduunka.
De la Fuente ayaa sidoo kale xusay farxaddii weynayd ee ka dhalatay markii Rodri uu ku guuleystay Ballon d’Or 2024, isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu arko ciyaaryahan kale oo Isbaanish ah oo sanadkan qaada abaalmarinta.

